Shaqaalaha Turkiga ee dhismaha wadada Afgooye oo la qarxiyey

Image
Image
Image
Image

AFGOOYE, Koonfur Galbeed  - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay inta u dhaxeysa degaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha ammaanka oo fahfaahin kooban bixiyey ayaa xaqiijiyey in weerarka uu ahaa is-miidaamin uu fuliyey ruux naftii halige ah, kaasoo watay baabuur.

Illo wareedyo dhanka amniga ah ayaa tibaaxay in qaraxa uu ka dhacay halka loo yaqaano bood-boodka gaar ahaan kontarool ay ciidamadda dowladdu ku leeyihiin goobtaas.

Warar horudhac ah ayaa tilmaamay in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa shaqalaaha Turkiga ee ku howlan dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dayac-tir lagu waddo.

"Jugta qaraxa aad ayaa looga maqlay xaafadaha degmada Afgooye. Waxaana la sheegay in gaari xowli ku socday uu xoog ku galay goob ay ku qadeynayeen Injineerada," ayuu yiri Goobjooge.

Warbixinadda ayaa soo jeedinaya in khasaaraha ay kamid yihiin booliska Haram-cad ah, ciidamo gaar ah oo Turkigu tababaray, iyo qaar kamid ah shaqaalaha Turkida ee goobta ku sugneyd.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay beegsiga shaqaalaha Turkiga ah ee ku sugan Soomaaliya si gaar ah kuwa ku howlan dhismaha jidka Afgooye.

Bishii December, 2019, laba Turki ah ayaa kamid noqotay ku dhowaad 80 kale oo lagu xasuuqay qarax ismiidaamin oo ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee duleedka caasimada dalka.

Cali Dheere, afhayeenka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida, oo dusha saartay mas'uuliyada rayidka ku leeday halkaas, ayaa sheegay in ay sii wadayaan beegsiga Turkida wadanka ku sugan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM