Shaqsi qarax ku xiray sideed gaari oo maxkamad lagu soo taagay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamada Ciidanka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay dib u bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah Mustaf Maxamed Xuseen oo loo haysto in uu kamid yahay Al-Shabaab.

Mustaf oo wejigiisa uusan ku cusbeen xeer-beegtada ciidamada ayaa horey u dhameystay xukun muddo shan sano oo xarig ah.

Bishii July, 2014-kii ayaa loosoo xiray in uu gaari ku dhejiyey qarax; bishii April, 2018-kii ayuuna dhameystay xukunka lagu riday.

Isla eed lamid ah tii uu shanta sano xabsiga ugu qaatay ayaana loo haystaan kolkaan; waxaase u wehlisay in muddo sanad gudaheeda ah oo dibada uu joogay uu sideed gaari ku xiray waxyaabaha qaraxa.

Sidda ay warisay warbaahinta dowladda, ciidamada ammaanka ayaa Mustaf gacanta kusoo dhigay isagoo fal-dambiyeed qarax ku dhejin gaar ah ku howlan bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-kii.

Inkasta oo uu ku dooday in Al-Shabaab ay dil ugu hanjabtay hadii shaqadaas u qaban waayo, xeer-ilaalinta oo ku sifeysay "caadeyste fal-dambiyeed" ayaa codsatay in lagu xukun ciqaab xabsi daa'in ah.

Hase ahatee, qareenadiisa oo kasoo horjeestay in lagu sifeeyo "caadeyste fal-dambiyeed" ayaa soo jeediyay in loo naxariisto.

Maxkamadda Ciidamadda ayaa tibaaxdey in ay go'aan kasoo saareyso kiiska Mustaf, wallow aysan shaacin waqtiga rasmiga ah.

Eedeysanayaasha la xukumo falalka la xiriira argagaxisnimada ayaa lagu hayaa xabsiga dhexe ee Muqdisho, halka kuwa kasoo goosta ururka la geeyo xarunta dhaqan-celin ee Hay'adda Sirdoonka ay maamusho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM