Shariif iyo Xasan oo ka warbixiyey kulankii Rooble

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayneyaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa fahfaahin waxay ka bixiyeen kulankii ay shalay la qaateen ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta.

Kulankan ayaa ka dhacay xafiiska Maxamed Xuseen Rooble ee Muqdisho. Sida ay wararku sheegayaan, dhinacyada waxay is-dhaafsadeen aragtiyo khuseeya xubnaha cabashada laga qabo ee guddiga doorashooyinka.

Shariif iyo Xasan oo qoraalo kala duwan ku daabacay ciwaanadooda shaqsiga ah ee Facebook ayaa hoosta ka xariiqay in sidoo kale ay Rooble kala hadleen mawduucyo kale oo ku saabsan qabsoomida doorashooyinka.

"Waxaan [shalay] kulan miro dhal ah la qaadanay Ra'iisul Wasaaraha xukummaadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Waxaan ka wada hadalnay dadaallada socda ee lagu dardargelinayo hirgelinta doorashooyinka, innaga oo la wadaagnay liiska xubnaha guddiyada doorashada ku jiray ee sharcigu ka reebayo inay qeyb ka ahaadaan maamulka doorashada," ayuu Xasan yiri.

Labada hogaamiye oo kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa metalayey Golaha Midowga Musharaxiinta, waxaana wehliyey Cabdikariin Xuseen Guuleed, hogaamiyihii hore ee Galmudug.

"Waxaan [shalay] aniga, MW Xasan Sheekh iyo xubno ka tirsan Midowga murashaxiinta kulan la qaadanay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana kawada hadalnay Guddiga doorashooyinka oo ka mid ahaa dhameystirka heshiiskii doorashooyinka ee dhawaan lagu kala sixiixdey magaalada Muqdisho," ayuu Shariif ku yiri qoraalka uu soo saarey.

Heshiiska doorashooyinka ee Muqdisho looga dhawaaqay todobaadkii lasoo dhaafay ayaa xeerinaya in doorashada ay ku qabsoonto muddo 60 casho ah ama laba bilood iyaddoo la xaliyey qodobadii is-mari-waagu ka jiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM