Shariif iyo Xasan Sheekh oo u dhoofay magaaladda Beledwayne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyneyaashii 7aad iyo 8aad ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed iyo Xasan Sheekh ayaa u dhoofay Beledwayne, xarunta gobolka Hiiraan.

Hogaamiyeyaasha xisbiga Himilo Qaran iyo Midowga Nabadda & Horumarka ayaa gargaar gaarsiinaya shacabka ay saameynta ku yeelatay fatahaadaha kusoo rogmaday magaaladaas.

Shariif iyo Xasan ayaa saacado ku hakaday gudaha madaarka diyaaradaha Aadan Cadde kadib markii ay kasoo daahdey diyaaradii qaadi lahayd, sidda ay xaqiijiyeen wararka.

Dhanka kale, Maareeyaha guud ee Hay'adda Duulimaadyadda Rayidka, ayaa dib u dhaca ku macneeyay hubin lagu sameeyay garoonka diyaaradaha Beledwayne oo xalay roob ka da'ay.

Hase ahaatee, Xildhibaano wafdiga madaxweyneyaasha kamida oo sheegay in aan lagu soo wax gelin arritaas ayaa ku doodey "in xayiraad iyo waqti lumin lagu sameeyay".

Socdaalkan ayaa imaanaya maalmo kadib markii si rasmi ah loo daah-furay Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix kamid ah axsaabta siyaasadeed ee waddanka.

Madasha ayaa ku dhawaaqday laba boqol oo kun oo Doollar-ka Mareykanka ah oo ay ku taakuleynayaan dadka ay saameysay fatahaadaha ka dhashay Webbiga Shabelle.

Sidda ay shaacisay Dowladda Federaalka, in ka badan 60-kun oo ruux ayaa ku barakacay daadadka Webbiga, waxaana ku dhintay tobanaan ay ku jiraan mas'uuliyiin dowladeed.

Hay'addaha gargaarka maxaliga ah iyo kuwa caalamka ayaa waxay gargaar kawadaan magaalooyinka ay fatahaaduhu ka dhaceen oo ku yaala bartamaha iyo koonfurta waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM