Shariif oo ka digay burburka heshiiskii 17-kii September

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa Isniinta maanta ah sheegay in Jimcaha uu jiri doono banaanbax kale kana dhan ah dowlada dhacdey ee Farmaajo.

Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ayaa madaxda Puntland iyo Jubaland uga mahadceliyey "mowqifka Soomaalinimada ah" iyo "macluumqqdja muhiimka ah" ee ay la wadaageen dadka.

"Waxaa noo muuqata in dalka aan loo waddin doorasho oo la doonayo in lagu haysto xukun askari," ayuu ka yiri shir jaraa'id oo Musharaxiinta ay ku qabteen Hotel Jazeera.

Intii uu hadalka ku guda jiray, Shariif oo xusay in wali aan garowshiyo laga bixin weerarkii lagu qaadey Musharaxiinta ayaa ka digay in uu burbur ku yimaado heshiiskii 17-kii September.

"Dhamaan musharaxiinta waxay jeclaan lahaayeen berri - iskaba daayee berri dambe - berri doorasho la qabto ayay diyaar u yihiin. Laakiin waa in ay noqoto doorasho daahfuran xor iyo xalaal ah," ayuu yiri.

Ciidamadda ayuu cod dheer ugu baaqay in ay faraha kala baxaan siyaasadda "una hogaan-samaan sareynta sharciga" isla markaana aysan daacad u noqon madaxda muddo xileedkooda uu dhamaadey.

Dadweynaha ayuu cod dheer uga dalbadey in ay kala soo qeybgalaan mudaaharaadka lagu balansan-yahay in uu Muqdisho ku qabsoomo dhamaadka todobaadkan kaasoo aan la ogeyn in dowlada is hortaagi doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Lagu Eedeeyay Inay Dagaalka Al-Shabaab Ka Leexisay Jidkiisa

Macawiisleyda Beesha Xawaadle ayaa si weyn uga dagaallama gobolka Hiiraan, waxayna door muuqda ku leeyihiin howlgalada lagaga saaray Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-06-2025

  • 08:31AM

Qaran Midoobaya Mise Kala Firdhaya? Wadahadallada Qaran oo Galay Mugdi Siyaasadeed 

Dooda siyaasadeed ayaa sii kululaatay kadib markii Xildhibaan Yusuf Gamadiid uu si cad u dhaleeceeyay dowladda dhexe.

  • Soomaliya

    10-06-2025

  • 07:51AM