Shariif Sh Axmed oo ka warbixiyey kulankii gudoonka Aqalka Hoose

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran, ayaa ka warbixiyey kulankii ay la yeesheen afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Shariif Sheekh Axmed oo qoraal soo dhigay boggiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa shaaca ka qaadey hal qodob oo ay "ku heshiiyeen".

Kulankaan ayaa habeenimadii Isniinta ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Mursal, oo martiqaad u fidiyey madaxweyneyaashii 7aad iyo 8aad ee waddanka.

Xasan Sheekh Axmed oo kamid ah hogaamiyeyaasha Madasha Xisbiyadda Qaran iyo mas'uuliyiin kale ayaa kasoo muuqdey.

Hoos ka akhriso qoraalka Shariif

Wafdi ka socda madasha xisbiyada Qaran ayaa hoygiisa Muqdisho ku booqdey guddoomiyaha golaha shacabka Barlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan.

Casho sharaf uu noo sameeyey kadib waxaan ka wada hadalnay marxaladda xasaasiga ah ee dalku uu marayo iyo sida la isaga kaashan karo guul laga gaaro.

Waxaan isla qaadannay in si dhow looga wada shaqeeyo ka gun gaarista horey loo sii wado dhisidda dowladnimada oo aan ugu dambeyntii isku waafaqnay in danta qaranka ay kujirto in si wadajir ah looga shaqeeyo arrinkaas.

Kulanka waxaa igu wehliyay Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubnaha kale ee Madasha Xisbiyada Qaran.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM