Sheekh Shaakir oo ka hadlay jiritaanka khilaaf kala dhaxeeya Xaaf

Image

DHUUSAMAREEB - Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle iyo Madaxa xukuumada ay isku khilaafeen baaqii Farmaajo ee wadahadalka ayaa waxaa si kulul uga hadlay Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Sheekh Shaakir oo war-fidiyeenka kula hadlay Dhuusamareeb, ayaa gaashaanka ku dhuftay warkaas, isagoo ku adkeystay in go’aamada ay qaadanayaan ay yihiin kuwa ay kawada tashadaan, islamarkaana dhinac gaar ah uusan go'an iska qaadan karin.

“Waxaad ogtihiin in idaacadaha qaar ay dhaheen way is-khilaaftay Galmudug….Galmudug waa hal mid, Madaxwaynaheeduna waa Axmed Ducaale Geelle [Xaaf]…Mawjadaha dhagarta ah iyo inaan gacmaha is-qabsano waa laga maarmaan,” ayuu xusay Sheekh Shaakir.

Dhinaca kale, Sheekh Shaakir oo hadalkiisa sii wata ayaa daboolka ka qaaday in heshiiskii ay ku midoobeen Ahlu Sunna iyo Galmudug, kaasi oo ay ka shaqeysay dowlada Soomaaliya iyo Urur goboleedka IGAD kaliya inuu si rasmi ah loo dhaqan-geliyo ay ka harsan tahay in ciidamada hal talis loo sameeyo.

“Degaanka Galmudug waa mid lama tab-taan ah…Midowga ay midoobeen Ahlu Suna iyo Galmudug, qoraalka ay wada qorteen waxaa ka dhiman kaliya inay ciidamada isku daraan,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Madaxa Xukuumada Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir.

Hadalkaan oo kusoo aaday xili qoraal xafiiskiisa kasoo baxay horaantii isbuucaan uu kusoo dhaweeyay gogosha uu fidiyey Farmaajo iyo wadaxaajood uu ugu baaqay maamulada ayaa keentay shaki la geliyo xiriirka isaga iyo Madaxwayne Xaaf.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM