Shaakir oo lagu dhawaaqay in loo doortay madaxweynaha Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Xildhibaano taabacsan Ahlu Sunna ayaa ku dhawaaqay in Sheekh Maxamed Shaakir ay u doorteen madaxweynaha Galmudug kadib coddeyn ka dhacday Dhuusamareeb.

Talaabadan oo xoojineysa cabsida laga qabo in maamulku yeesho hogaan iska soo horjeeda ayaa ka dambeysay markii uu meel xun gaarey khilaafka Ahlu Sunna iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Baqdinta ayaa Arbacada maanta ah meeshii ugu sareysay gaartay kadib markii guddiga doorashada xukuumadda iyo Ahlu Sunna ay dardargeliyeen dhaqdhaqaaqyadda ay kawadaan Dhuusamareeb.

Garabka xukuumada federaalka ayaa dhageysatay khudbadaha siyaasiyiin uu kamid yahay murashaxa "ay maal-gelineyso" Villa Soomaaliya. Berri ayay dooran doonan madaxweyne iyo ku xigeen.

Guddiga ay magacaabatay Ahlu Sunna ayaa qabtay doorasho natiijada kasoo baxday lagu sheegay in Shaakir loogu coddeeyay in uu afarta sano ee soo aadan hogaamiyo dowlad goboleedka.

Geesta kale, madaxweyne Axmed Ducaale Geelle "Xaaf" ayaa koonfurta xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo kawada qaban-qaabada doorasho kale.

Murashaxiinta mucaaradka oo horey kaga digay in ay soo baxaan arrimahaan ayaa ku adkeystay baahida loo qabo wadahadal iyo is-qanci si loosoo afjaro ismaandhaafka.

Beesha Caalamka oo war qoraal ah ku muujisay dhexdhexaadnimo ayaa darafyadda ku boorisay in ay sameeyaan tanaasul si loo helo maamul loo dhan yahay oo ay ka faa'iidaan bulshadda Galmudug.

MUUQAALKA SHAAKIR

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM