Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo shir gaar ah u tagay Cadale

Image
Shariif Sheekh Axmed [midig] iyo Xasan Sheekh Maxamuud [bidix] ayaa shalay kulmay. [Screenshot Photo]

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyneyaashii 7aad iyo 8aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaarey degmadda taariikhiga ah ee Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, labada musharax ee u taagan xilka ugu sareeya dalka coddeynta loo balansan yahay 10-ka October waxay ka qeybgalayaan shir halkaas ka qabsoomaya.

Wadaxaajoodyadaas oo qorshuhu yahay in ay socdaan muddo saddex casho ayaa u dhaxeeya siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, wax-garadka, dhalinyaradda iyo aqoonyahanadda beesha Abgaal, Mudulood.

Ma cadda sababta dhabta ah ee waqtigan dalku u diyaar-garoobayo doorashooyinka heer federaal loogu soo beegay kulankan. Hase ahaatee, wuxuu kusoo aadayaa xilli 25-ka July ay bilaabaneyso xulista Aqalka Sare.

lllo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa intaas ku daraya in qaar kamid ah musharaxiinta kale ee u taagan xilka madaxtinimadda Soomaaliya ay wakiilo kaga qeybgalayaan wadahadalkan oo la abaabulayey maalmihii dambe.

Kahor socdaalkooda Cadale, Shariif iyo Xasan oo degaan doorashadoodu tahay HirShabelle ayaa Arbacadii shalay waxay Muqdisho kula shireen Xasan Cali Khayre, ra'iisul wasaarihii hore, oo qudhiisa musharaxiinta kamida.

Ololaha doorashadda Soomaaliya ee dib-u-dhac ballaaran uu ugu yimid qodobo caqabad noqdey awadeed ayaa u muuqanaya in durba uu bilowdey, iyaddoo doorashada Aqalka Sare ay caddeyn doonto cidda awooda leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM