Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo shir gaar ah u tagay Cadale

Image
Shariif Sheekh Axmed [midig] iyo Xasan Sheekh Maxamuud [bidix] ayaa shalay kulmay. [Screenshot Photo]

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyneyaashii 7aad iyo 8aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaarey degmadda taariikhiga ah ee Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, labada musharax ee u taagan xilka ugu sareeya dalka coddeynta loo balansan yahay 10-ka October waxay ka qeybgalayaan shir halkaas ka qabsoomaya.

Wadaxaajoodyadaas oo qorshuhu yahay in ay socdaan muddo saddex casho ayaa u dhaxeeya siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, wax-garadka, dhalinyaradda iyo aqoonyahanadda beesha Abgaal, Mudulood.

Ma cadda sababta dhabta ah ee waqtigan dalku u diyaar-garoobayo doorashooyinka heer federaal loogu soo beegay kulankan. Hase ahaatee, wuxuu kusoo aadayaa xilli 25-ka July ay bilaabaneyso xulista Aqalka Sare.

lllo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa intaas ku daraya in qaar kamid ah musharaxiinta kale ee u taagan xilka madaxtinimadda Soomaaliya ay wakiilo kaga qeybgalayaan wadahadalkan oo la abaabulayey maalmihii dambe.

Kahor socdaalkooda Cadale, Shariif iyo Xasan oo degaan doorashadoodu tahay HirShabelle ayaa Arbacadii shalay waxay Muqdisho kula shireen Xasan Cali Khayre, ra'iisul wasaarihii hore, oo qudhiisa musharaxiinta kamida.

Ololaha doorashadda Soomaaliya ee dib-u-dhac ballaaran uu ugu yimid qodobo caqabad noqdey awadeed ayaa u muuqanaya in durba uu bilowdey, iyaddoo doorashada Aqalka Sare ay caddeyn doonto cidda awooda leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM