Sheekh Shariif oo eedeeyay madaxda Dowlada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda oo siyaasadda ku milmay ayaa sabab u ahaa burburka ay haatan kasoo kabaneyso Soomaaliya, dowladda hadda jirtana waxay ku shaqeysaa fekerkaas, sidda uu sheegay Shariif Sheekh Axmed, madaxwaynihii 7aad ahna musharax madaxwayne 2020-21.

Isagoo Jimcadda todobadkii hore ka hadlayey shir jaraa'id oo Golaha Midowga Musharaxiinta ku baajiyey mudaaharaadkii qorsheysanaa Sabtida maanta ah, Shariif oo ku adkeystay in aysan ka tanaasulin qabashada banaanbaxa ayaa tibaaxay in muhiim tahay in ciidanka dhexdhexaad uu noqdo.

Dib-u-dhaca banaanbaxa ayaa ka dambeysay markii dowladda federaalka ah ee Soomaliya ay Jimcadii ciidamo badan dhigtay jidadka ugu muhiimsam Muqdisho taas oo musharaxiinta ku qeexeen in looga baxay heshiiska.

"Arrintaas waxay muujineysaa dooda musharaxiinta ee ah cidda amniga sugeysa iyo arrinta ciidamadda ay noqoto qadiyad xal laga gaaro maadaama madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey uu si qaldan u adeegsaneyso. Dalkan wuxuu horey ugu burburay ciidanka oo siyaasadda galay," ayuu hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ka sheegay shirka jaraa'id ee shalay.

Shariif oo shaaciyey in musharaxiinta ay iclaamin doonan maalinta xigta ee banaanbaxa uu qabsoomi doono ayaa tibaaxay in uu noqon doono mid amnigiisa ay sugi doonan ilaaladda gaarka ah ee Musharaxiinta.

Madaxda dowladda federaalka ah ee muddo xileedkooda dastuuriga ah uu dhamaadey ayuu ku eedeeyay in ay ku tagrifalayaan awooda ciidamadda una adeegsanayaan in ay xukunka baaqi kusii ahaadaan.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay eedeynta musharaxiinta ayaa xustey in ciidamadda ay jidadka u soo dhigtay si ay ugu sugto ammaanka banaanbaxa, iyaddoo hoosta ka xariiqdey in aysan marnaba ogolaan doonin mudahaaraad aysan nabad-gelyaddiisa door ku lahayn.

Kala-taagnaanta haatan kasoo ifbaxdey ayaa sare u qaadeysa walaaca dadweynaha ee ku aadan in mudaaharaadka soo aadan uu noqon doono mid kale ay isku-fara saaraan ciidamadda dowladda iyo kuwa musharaxiinta, talaabadaas oo ka dhalan kara isku-dhac ciidan oo dhiig badan ku daato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM