Sheekh Shariif oo ka degay Muqdisho iyo wasiiro soo dhaweeyay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sheekh Shariif Axmed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu gaarey magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Xukuumada federaalka ah ayaa soo dhawaynta Shariif u dirtay wasiiro uu horkacayo midka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo taageerayaasha Shariifka ayaa si lamida waxay qayb ka ahaayeen soo dhaweynta.

Madaxweynaha dowladii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya, ayaa ka mahad-celiyey soo dhawaynta diiran ee loo sameeyay.

Shariif ayaa haatan ah hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, kaasi oo illaa iyo haatan aysan caddeyn aragtidiisa siyaasadeed ee xukuumadda haatan jirta.

Ujeedka uu dalka dib ugu soo laabtay ayaa lagu sheegay in ay tahay ka qaybgalka shirwayne uu xisbigaasi ku qabsanayo Muqdisho, maalmaha soo aadan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu tegi doono madaxtooyada, halkaasi oo madaxda ugu sareysa dalka uu kulamo kula yeelan doono.

Waa markii labaad oo uu Muqdisho yimaado Shariif tan iyo doorashadii uu kusoo baxay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, 8-dii Febraayo 2017.

Markii ugu dambeysay oo uu wadanka yimid waxay ahayd horaantii sanadkaan markaasi oo uu Garowe, caasimada dowladda Puntland, halkaasi oo uu uga qaybgalay caleema saarka madaxweyne Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM