Sheekh Shariif oo ka guuray aagga garoonka Aadan Cadde

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu waramay in uu ka guuray aagga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho una wareegay waqoyga magaala madaxda dalka.

Talaabadan ayaa waxaa la sheegay in ay qeyb ka tahay qorshe musharaxiinta isugu balaarinayaan magaalada si ay cadaadiska ugu korrhiyaan maamulka Farmaajo ee ay ku eedeeyeen in aysan doorasho rabin.

"Sheekh Shariif wuxuu u guuray degmadda Cabdicasiis gaar ahaan meel ku dhow halka uu todobaadkii hore degay madaxweynihii xilka kala dambeyay Xasan Sheekh Maxamuud si gaar ah nawaaxiga isgoyska Mariina halkaasoo ciidamo badan isaga horumariyeen," ayay raaciyeen illo wareedyo.

Sida ay warbixinadda muujinayaan, musharaxiinta kale ayaa maalmaha soo aadan waxay dhankooda u guurayaan qeybaha gaar ahaan koonfurta oo uu horey u degay taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Saadaq Joon.

Musharaxiinta ayaa badankooda waxay deganaayeen guryo isku dhow oo ku yaala xeyndaabka garoonka Aadan Cadde halkaasoo ay ku dhow yihiin baro ciidan oo ay maamusho dowladda federaalka ah ee waqtiga ka dhamaadey.

"Fulinta qorshahaan oo soo deg-degay markii maamulka Farmaajo uu muddo kororsi sharci darro ah ku sameystay laba sano waxay u muuqataa mid ay rabaan in ku cadaadiyaan taliska in uu miiska wadahadalka kusoo laabto dalkana ku hogaamiyo doorasho," ayuu yiri qof aad ugu dhow musharaxiinta.

Mucaaradka oo horey Farmaajo ugu aqoonsaday hogaamiye kooxeed ayaa ku eedeeyay in uu xukunka isku dhejinaayo isla markaana uusan diyaar u ahayn in waddanka galo doorasho daahfuran oo natiijadeeda lawada aqbalo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo ku heshiiyay is-dhaafsiga maxaabiista

Golaha Wasiirada ayaa Khamiista maanta ah meelmariyay heshiiskan oo ka kooban afar qeybood.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 09:14AM

Haweeney caan ka ah baraha bulshada oo shil gaaray ugu geeriyootay dalka Kenya

Dad badan ayaa baraha bulshada uga falceliyay geerada naxdinta leh.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 12:08PM