Shariif: Dowladda waan ka saareynaa Muqdisho hadii aysan joojin dulmiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed, ayaa digniin xoogan wuxuu hawada u mariyey Dowladda Federaalka ah ee uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Digniinta hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa imaaneysa markii "xayiraad kooban lagu sameeyay" socdaal ay ku tegi lahaayeen magaaladda Beledwayne.

Shariif ayaa qayb ka ahaa wafdi ka socda Madasha Xisbiyadda Qaran iyo Xildhibaano oo gurmad u siday shacabka ay saameysay fatahaadaha.

Markii ay dib ugu soo laabteen caasimadda Muqdisho, gudoomiyaha Madasha ayaa si dulmar ah wuxuu uga hadlay safarkooda iyo "is hortaagii lagu sameeyay".

"Madasha waxay u taagan tahay xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan hadlin karin ee la dul-minaayo maalin kasta," ayuu hadalkiisa ku bilaabay.

Ma uusan fahfaahin waxay yihiin dulmiga uu ka dhawaajiyey in lagula kaco muwaadiniinta Soomaaliya ee guud ahaan dalka ku nool.

"Dulankaas xafiisyadda dowladda ayay ka dhacaan maalin kasta. Soomaaliyey maqla, cabashadiina nasoo gaarsiiya, meesha ugu sareysaan gaarsiineynaa".

Hadalka Shariif ayaa imaanaya iyadda oo xifaaltanka siyaasadeed u dhaxeeya madaxweyneyaashii hore iyo dowladda Farmaajo uu gaarey meeshii ugu sareysay.

"Magaaladdan [Muqdisho] mooryaan ayaa haysan jirtay soo ma ahan, waa lala dagaalmaay waa laga bixiyey mise waa beentey? Itoobiyaan ayaa soo galay maxaa la sameey? waa laga bixiyey, Shabaabaa qabsaday waa laga saarey".

Wuxuu intaasi ku daray: "…maka xoog badan yihiin dadkaan [dowladda taladda haysa]?". Kadib markii uu saddex jeer dhaartay, Shariif ayaa raaciyey: "Hadii aysan joojin waan bixineynaa". Ma sheegin waxa la joojinaayo.

Dowladda madaxweyne Farmaajo oo la doortay bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii ayaa waxaa mudada xileedkeeda uga harsan sanad iyo bilooyin. Doorashadda soo aadan waxaa lagu wadaa in ay qabsoonto sanadka 2020/21.

MUUQAALKA SHARIIF

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM