Sheekh Shariif: Soomaaliya waxay u baahan tahay isbedel maamul

Image
Image
Image

LONDON, UK – Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa magaaladda London, caasimadda UK, kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Shariif, oo halkaas khubad ka jeediyey, ayaa ka hadlay xaaladda guud ee waddanka gaar ahaan dhanka ammaanka iyo siyaasadda.

Ugu horeyn, Shariifka ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay waqti xaadirkan u baahan tahay isbedel dhanka maamulka ah.

Hogaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa ka digay "khatar ka dhalan karta" hadii aanan talaabadaas si degdeg ah aan loo dhaqan-gelin.

"Hadii uu dhici waayo isbedel dhanka maamulka ah waxaa mugdi galaya mustaqbalka Soomaaliya," ayuu yiri Shariif.

Mar uu soo qaadey arrimaha ammaanka, Shariif ayaa ku waaniyey bulshadda in loo midoobo baacsiga argagixisadda Al-Shabaab.

Gabagabadii, dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayuu ku eedeeyay "fashil siyaasadeed, xiriirka maamul goboleedyadda iyo mid dhanka amniga ah".

Socdaalka Shariif Sheekh Axmed ee magaalada London ayaa kusoo aadaya xili loo diyaar-garoobayo doorashooyinka 2020-21 oo qabsoomida shaki laga muujinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM