Sheekh Shariif: Soomaaliya waxay u baahan tahay isbedel maamul

Image
Image
Image

LONDON, UK – Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa magaaladda London, caasimadda UK, kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Shariif, oo halkaas khubad ka jeediyey, ayaa ka hadlay xaaladda guud ee waddanka gaar ahaan dhanka ammaanka iyo siyaasadda.

Ugu horeyn, Shariifka ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay waqti xaadirkan u baahan tahay isbedel dhanka maamulka ah.

Hogaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa ka digay "khatar ka dhalan karta" hadii aanan talaabadaas si degdeg ah aan loo dhaqan-gelin.

"Hadii uu dhici waayo isbedel dhanka maamulka ah waxaa mugdi galaya mustaqbalka Soomaaliya," ayuu yiri Shariif.

Mar uu soo qaadey arrimaha ammaanka, Shariif ayaa ku waaniyey bulshadda in loo midoobo baacsiga argagixisadda Al-Shabaab.

Gabagabadii, dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayuu ku eedeeyay "fashil siyaasadeed, xiriirka maamul goboleedyadda iyo mid dhanka amniga ah".

Socdaalka Shariif Sheekh Axmed ee magaalada London ayaa kusoo aadaya xili loo diyaar-garoobayo doorashooyinka 2020-21 oo qabsoomida shaki laga muujinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM