Wufuud ku wajahan Muqdisho iyo wadooyinka oo la xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta magaalada Muqdisho kusoo wajahan wafuud ka kala socota Itoobiya iyo Eritrea, kuwaasoo ay kala hogaaminayaan wasiiradda arrimaha dibadda dalalkaasi, sida ay illo xog-ogaal ah u sheegeen Garowe Online.

Wadooyinka waaweyn ee caasimadda ayaa saaka la xiray, lana dhigay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amaanka maadaama ay maanta imaanayaan magaalada wafuudda Itoobiya iyo Eritrea.

Isgoysda la xiray waxaa ka mid ah Banaadir, Zoobe, Dabka, Tarabuunka iyo kuwa kale, waxaana shacabka ay maalayaan lugtooda, oo ay ku gaarayaan goobahooda ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, maadaama gaadiidka uusan shaqeyneynin.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo mas'uuliyiin kala oo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku sugan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoo halkaasi u tagey soo dhaweynta wafuudda soo dageysa.

Safarka Wasiiradda Arrimaha dibadda Itoobiya iyo Eritrea ayaa la sheegay inay hordhac u yihiin, islamarkaana ugu gogol-xaarayaan booqasho rasmi ah oo ay hogaamiyaasha dalalka ay ku imaanayaan Muqdisho, iyadoo wali waqtiga imaanshahooda la shaacin.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa bishii June booqasha saacadao qaadatey ku yimid caasimadda, oo uu kula kulmay Madaxweyne Farmaajo, oo kala saxiixdeen heshiisyo is-afgarad ah, oo maalgashi dhanka dekedaha Soomaaliya ku saabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM