Shir Jaraa'id oo Cawad uga hadli lahaa "arrimo soo kordhay" oo baaqdey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxay xaqiijisay in dib loo dhigay shir jaraa'id oo wasiirka xiriirka caalamka, Axmed Ciise Cawad, ku qaban lahaa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulan warbaahineedkaasi oo suxufiyiinta laga dalbadey in ay kasoo qeybgasho isla markaana loo mudeeyay labada duhurnimo (xiliga Geeska Afrika) maanta oo Arbaco ah ayuu Cawad laga hadli lahaa "arrimo soo kordhay".

Balse wasaaradda ayaa waxa aysan soo bandhigin sababta keentay baajinta balantii maanta iyo waqtiga kale oo ay la qabanayo kulankaasi si xogihii ugu dambeeyay ee arrimaha dibadda ula wadaagto dadweynaha.

"Wargelin muhiim ah. Waxa aan wargelinaynaa weriyeyaasha in aan dib u dhignay shirka jaraa'id illaa iyo waqti kale. Waad ku mahadsantihiin xiriirkiina," ayaa lagu yiri qoraalka gabagabada lasoo raaciyey calaamatul cajiib (!).

Lama ogga hadii shir-saxaafadeedka lasii qorsheeyay oo cilado gedaal kasoo baxay ay dib u dhac ku keeneen ama in uu ahaa "xeelad diblumaasiyadeed".

Tani ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadda oo ay taagan tahay xiisad diblumaasiyadeed oo udhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya taasi oo ku saabsan xuduud dhul badeed.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa la filayaa in bisha September ee sanadkan ay dib u bilowdo dacwada dhageysiga gal-dacwadeedkan oo so bilowday bishii Agoosto 2014-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM