Shirka arrimaha doorashooyinka oo "ku dhow burbur"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shir lagu wadday in Talaadada maanta ah Muqdisho ku dhexmaro madaxwayneyaasha maamul goboleedyadda waddanka iyo hogaanka dowladda federaalka ayaan qabsoomin, sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen illo wareedyo aad loogu kalsoon yahay kuna dhow dhinacyadda.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda, wadaxaajoodyadda oo ku yimid cadaadis siyaasadeed oo Beesha Caalamka kaalin weyn ay ka cayaartay ayaa qarka ku saaran in gabi ahaanba ay burburaan/fashilmaan.

Warbixinadda uu helayo mareegga GO ayaa muujinaya in madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo uu caqabad ku yahay meelmarinta qaar kamid ah shuruudaha qabsoomida wadahadalada.

"Madaxwayneyaasha dowlad goboleedyadda waxay mabda’ ahaan isla qaateen amniga iyo goobta shirka," ayay sheegeen illo wareedyadda. "Balse, waxaan wali la isku fahmin ajandaha kulanka iyo ka qeybgaleyaasha si gaar ah kaalinta Farmaajo oo u muuqda caqabada kaliya ee hor-taagan".

Waxay raaciyeen: "Maanta waxaa qorshuhuahaa in uu dhaco laba kulan - maamulada iyo Ra'iisul Wasaare Rooble iyo hogaamiyeyaasha maamulada soo si gaar ah isku arka. Madaxda Puntland, Jubaland iyo Musharaxiinta waxay ka tanaasuleen in Farmaajo shir guddoomiyo kulanka. Balse guusha waxay ku xiran tahay Farmaajo oo aqbala is-afgaradkaas".

Golaha Badbaado Qaran ayaa horey u codsaday in Farmaajo uu shirka kaga soo muuqdo isagoo lamid ah musharaxiinta, in uu saxiixo warqad caddeyneysa in waqtiga ka dhamaadey iyo goobjoogeyaal caalami ah si ay damaanad-qaadayaal uga noqdaan dhaqan-gelinta natiijada shirka.

Maamulka Farmaajo oo u han-qal-taagaya dib-u-doorasho ayaa dhankiisa wuxuu doonayaa in dowlada federaalka martigeliso shirka, ajandaha isku koobto iyo in aan la wajahin walaaca amniga iyo ciidamadda.

Farmaajo oo ku dhowaad laba bilood xafiiska jooga isagoo muddo xileedkiisa dastuuriga uu idlaadey ayaa lagu eedeeyay in uu goobayo doorasho boob ah iyo in uu dilo dimuqraadiyadda curdunka ah ee dalka. Diblumaasiyiinta waxay si ula socdaan xaalada cakiran ayagoo si taxadar u raadinaya xalka ama faragelin toos ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM