Shir looga hadlay 'lacagta cusub' oo ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir ballaaran oo looga hadlay qorshaha ay wado dowladda Federaalka ee lacagta cusub ee Shilin Soomaaliga loogu soo daabacayo dalka ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

Shirka oo gudoomiyaya Ra'iisul Wasaare Khayre, ayaa waxaa ka qeybgaleen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle iyo saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya.

"Waxaan ka qeybgalay kulan looga hadlay dib u habeynta lacagta oo uu gudoomiyay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo saaxiibada beesha caalamka, kaasoo looga hadlay daabacadda lacagta cusub ee shilin Soomaaliga," ayuu yiri Beyle.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in hay'adda lacagta aduunka ee IMF iyo dowladaha deeqaha bixiya ay kaalin mug leh ay ka qaadanayaan qorshaha lacagta lagu soo daabacayo, kadib markii dowladda Federaalka ay buuxisay shuruudihii laga rabey.

Dr Beyle oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in howsha Shilin Soomaaliga cusub loogu sameynayo dalka ay hadda mareyso Heer gaba gabo ah, islamarkaana ay rajeynayaan in dhawaan la helo lacag cusub oo bedesha mida duugowday ee Kunka Shilin.

IMF ayaa siinaysa dowladda Federaalka Soomaaliya $41 million oo Dollar oo loogu tala-galay in lagu bixiyo qarashaadka wajiga koowaad ee hanaanka lagu soo daabacayo lacagta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM