Shir madaxeedka doorashada ee Afasiyooni oo dib u bilowday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir madaxeedkii xalka loogu raadinayey is-mari-waaga doorashooyinka Soomaaliya 2020-21 ayaa Arbacada maanta ah wuxuu dib uga bilowday magaala madaxda Muqdisho.

Kulankaan oo hakad ku jiray labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa lagu waddaa in maanta diiradda lagu saaro is-faham dhameystir oo hogaamiyeyaashu ka gaaraan khilaafka.

Teendhada Afasiyooni oo afar sano kahor lagu doortay madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirkan loogu qabanayaan sababo amni awadeed.

Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland, Jaamac Dabraani ayaa bartiisa Facebook wuxuu ku qoray: "Madaxda Soomaaliyeed waxaa hadda u bilowday Shirkii uga socday Afisyooni, Kulanka oo ah kii saddexaad ee albaabadu u xiranyihiin ee madaxda dhexmara ayaa looga hadlaya in ay is afgarad ka gaaraan ajandaha Shirka lagu xalinayo caqabadaha Doorashadda".

Qodobada madaxda ay u baahan yihiin in ay isku afgartaan ayaa kala ah in ajandaha shirka soo aadan lagu darro walaaca ka taagan dhanka amniga iyo ciidamadda si lamid ah dhacdooyinkii 19-kii Febraayo.

Villa Soomaaliya ayaa dooneysa in qodobadan aan ajandaha lagu soo darin isla markaana kaliya ka qeybgaleyaashu ka hadlaan dhaqan-gelinta heshiiska 17-kii September iyo kii Baydhabo.

Wadahadaladan ayaa loo arkaa fursadii ugu dambeysay oo madaxda Soomaalida uga heshiiyaan muranka doorashooyinka, iyaddoo fashil kasta uu horseedi doono faragelinta tooska ee Beesha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM