Shir Muqdisho ka furmaya iyo maamulo qaadacey ka qayb galkiisa

Image

MUQDISHO - Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furmaya maanta shirka Iskaashiga caalamiga " Somali Partnership Forum" kaas oo dowlada Federaalka Soomaaliya ku shaacisay warsaxafdeed ay soo saartey.

Warsaxafadeedkaan ayaa lagu sheegey in kulankaan magaalada Muqdisho uu ka furmo doono 1 bisha october ilaa 2 October ayna kasoo qayb gali doonaan wakiilo ka socda 50 dowladood.

“Shirkaan, oo soconaya muddada labada maalmood ah, waxaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda, Cadaaladda, ku qabashada shirka ee magaalada Muqdisho, wuxuu tusaale cad u yahay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulaha wax ku oolka ah uga soo hoysay siyaasadda arrimaha dibadda iyo horumarada kala duwan ee ay ku tallaabsatay” ayaa lagu yiri qoraalkaan.

Kulankaan oo muddo qaban qaabadiisa ay ku jireen wakiilada beesha caalamka ee ku taxaluqa arimaha Soomaaliya ayaa waxaa ka biyo diidey iney ka soo qayb galkiisa dowlada Puntland halka dowlada Federaalka Soomaaliya-na gabi ahaan diidey inuu Madaxweyne Axmad Madoobe goob joog ahaado shirkaan.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxda sare ee dowlada Puntland shuruud uga dhigeen ka qayb galka shirkaan ka furmaya magaalada Muqdisho in maamulka Jubaland si buuxda uga soo qayb galo kulankaan.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweynaha maamulka Galmudug uu Shirkaan qaadaco ka qayb galkiisa hadii aan lagu guuleysan waan-waan maalintii shalay laga dhexwadey isaga iyo madaxda dowlada Federaalka ah.Xaaf ayaa qoraal uu soo saarey shalay ku sheegey inuu jabey heshiis uu la galay dowlada Federaalka isagoo ku eedeeyey iney dhinac martey nidaamka loo mari lahaa xulista xubnaha Barlamanka maamulkaas.

Kulankaan ayaa sida la filayo waxaa goob joog ahaan doona oo kaliya madaxda maamulada Hirshabeele, Koonfur Galbeed iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirka Iskaashiga Caalamiga ah oo 2018 lagu qabtey Bruxelles ayaa ah mid wadamada beesha caalamka ee ku howlan arimaha Soomaaliya isku waydiiyaan sidii maalgalin "Qaaraan" loogu heli lahaa arimaha hurumarinta dhaqaalaha, bulshada, siyaasada, amniga iyo Cadaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Abaabulaya Kacdoon Shacab xili barakicinta dagaal isku bedeshay

Saacado kadib markii mucaaradka iclamaaliyay kacdoonka shacab, xaafadda Warlaliska oo degmada Deyniile katirsan.

  • Soomaliya

    06-05-2026

  • 09:30PM

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM