Shir quseeya Soomaaliya oo dhacay xilli ay jirto halista Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xilli mudda xileedka dowladda federaalka ah uu gabaabsi yahay, xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa qaab fogaan arag ah maanta ku yeeshay shir gaar ah oo quseeya arrimaha Soomaaliya.

Kulankan uu soo agaasimay Midowga Afrika oo ay kasoo muuqdeen wakiilo ka kala socday; Qaramada Midoobay, AU-da, IGAD, Midowga Yurub, Turkiga, Ingiriiska waxaa waddanka ku metelay ra'iisul wasaare Khayre.

Khayre oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa shaaca ka dhigay in wadahadalada lagu falanqeeyay horumarka, caqabadaha iyo talaabooyinka xita ee dib-u-soo-kabashada Soomaaliya.

"Kulanku wuxuu aqoonsaday horumar baaxad leh ee sanadihii la soo dhaafay wuxuuna carrabka ku adkeeyay in si degdegga ah loogu midoobo loona ilaaliyo guulaha laga gaaray caqabadda taagan ee COVID19. [Sidoo kale] Kordhinta taageerada waaxda Amniga ee Soomaaliya & waajibaadka soo socda ee AMISOM," ayuu kusoo qoray Twitter-ka.

Mevlut Cavusoglu, wasiirka arrimaha dibadda Turkiga oo kulanka qeyb ka ahaa, ayaa bixiyey tafaasiil dheeraad ah oo ku jiray ajendaha.

"Waxaa shirka looga hadlay talaabooyinka sidda wadajirka ah loo qaadayo si loo taageero kala guurka siyaasadeed iyo geedi u socodka nabadda ee ka dhashay Covid-19," ayuu ku yiri qoraal uu ku faafiyey Twitter-ka.

Wallow ay calaamad su'aal dulsaaran tahay hadii ay qabsoomi karto, Soomaaliya ayaa 2020/21 isku diyaarineysa doorasho qof iyo cod ah.

"Soomaaliya waxaan mar walba u garab-istaagi doonaa si saaxiibtinimo iyo walaaltinimo leh," ayuu Cavusoglu kusoo xiray hadalkiisa.

Illaa iyo haatan, Soomaaliya ayaa diiwaan-gelisay ku dhowaad 530 kiisas oo ah Covid-19, iyaddoo dhimashadda ay gaartay 28; wadarta guud ee dadka ka caafimaadey waxay sii mareysaa 29, sidda ku cad xogta.

Guud ahaan caalamka, tiradda kiisaska waxay kor-u-dhaafeen saddex milyan; wadarta dadka uu galaaftay waa 218,500; tiradda illaa iyo haatan ka caafimaadey waxay ka badan tahay 935,500, sidda ay xaqiijisay hay'adda WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM