Shir u bilowday madaxweyneyaasha maamul goboleedyada

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir madaxeed u dhaxeeya madaxwayneyaasha dowlad goboleedyadda Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah wuxuu ka bilowday Airport Hotel ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Xafiisyadda hogaamiyeyaasha maamuladda oo qoraalo kala duwan kasoo saarey kulankan ayaa si isku mid ah waxay u caddeeyeen in ajandahooda uu yahay xalka is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka.

Kulankan ayaa ah natiijadda kasoo baxdey dedaalo ay maalmihii u dambeeyay waday Beesha Caalamka kaasoo ujeedkiisu ahaa in ay shir gaar ah yeeshaan madaxda maamulada kahor kulanka guud.

Kahor kulankan, madaxda maamualdda ayaa habeenimadii Khamiista isku arkay isla Airport Hotel, waxaana ay ku balameen shirkan maanta furmay, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow dhinacyada.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo ayaa horey u carqaladeeyay shir lagu wadday in galabnimadda Khamiista ay Muqdisho ku yeeshaan madaxda maamulada iyo wakiilada Beesha Caalamka.

Sidda ay muujinayaan xogaha, Farmaajo ayaa u ololeeyay in shirka kaliya ku koobnaado madaxda maamuladda, isaga oo doonayey in uu meesha ka saaro in loo arko in ay yihiin cidda haysata sharciyadda.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa todobaadyo degan Airport Hotel oo ku dhexyaala xerada Xalane halkaasoo ay u doorteen sababo dhanka ammaanka, sidda ay ku caddeeyeen qoraallo ay horey u soo saareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM