Shir u furmay madaxwayneyaasha maamul goboleedyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir u dhaxeeya madaxda shanta maamul ee Soomaaliya ayaa ka bilowday Hotel Airport ee ku dhexyaala xeradda Xalane ee caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhanka kale, wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa warisay in madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo uu Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle uu ergo ahaan ugu diray shirka si ay ugu qanciyaan dhigooda Puntland iyo Jubaland in ay kusoo biiraan wadaxaajoodyadda.

Talabaadan ayaa la macno ah in Farmaajo uu diidey dalabka Beesha Caalamka ee ku aadan in uu qabsoomo shir ay qeybgalkiisa u siman yihiin dhamaan dhinacyadda.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo ayaa ku cadaadiyey madaxda maamulada taabacsan in aysan ka qeybgelin shir ay garwadeen ka noqon lahayd Beesha Caalamka oo ay la yeeshaan madaxda dowladaha Puntland iyo Jubaland.

Kulankaas oo qorshuhu ahaa in galabnimada Khamiista uu ka dhaco Airport Hotel ayaa lagu wadday in ay diiradda lagu saaro xalka is-faham-waaga doorashooyinka Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan xeeldheereyaasha, Farmaajo oo soo jeediyey in kaliya ay shiraan madaxda maamuladda ayaa ka fogaanayey in loo arko in maamuladdu yihiin cidda kaliya ee sharciyadda haysata.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey oo raadinaya in dib loosoo doorto ayaa xusul-duub ugu jira sidii uu Beesha Caalamka aysan goobjoog uga noqon lahayd wadahadalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM