Shirka Gollaha Dhaqaalaha Qaranka oo Muqdisho lagu daah furay

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah furay Madasha Siyaasada Dhaqaalaha Qaranka oo ay ka qeyb galayaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Ganacsato, Xubno ka socda Jaamacadaha Dalka iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa soo bandhigay Daraasado ku aadan halka uu marayo dhaqaalaha dalka xiligan iyo sidii loo jiheyn lahaa, iyadoo Wadajir la iskaaga kaashanayo sidii loo hormarin lahaa ilaha Dhaqaalaha loogana gudbo Waxyaabaha caqabadaha ee hortaagan hormarka Dhaqaalaha Dalka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka ayaa furitaanka shirkan ka sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saartay sidii dhaqaalaha dalka loo kobcin lahaa, iyadoo Xukuumadda Soomaaliya ay sameysay isku tashi.

Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka ayaa si gaara diiradda u saareysa Qodobo ay ka mid yihiin Kobaca Dhaqaalaha, Hanaanka loo hirgalin karo, Maalgahshiga dalka, La dagaalanka Musuq maasuqa iyo Sidii looga qeyb qaadan lahaa hindisahaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM