​Shirka Kismaayo oo dib u dhac ku yimid

Image

KISMAAYO, Somaliya - Waxaa dib u dhac weyn uu ku yimid Shirkii la filyay in maanta [4-ta October] ka furmo magaalada Kismaayo, ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Sarkaal katirsan Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada, ay yeesheen xalay Kulan qadka Taleefoonka ah, kaasi oo ay isku afgarteen in Kulanka laga dhigo maalinta Axad ee soo socota [9-ka October, 2017].

Waxa uu sarkaalkan intaasi ku daray in Madaxda maamul goboleedyada, Puntland, Koonfur Galbeed, HirShabeelle, Galmudug iyo Jubbaland isku raaceen in dib loo dhigo Shirka, illaa laga xalinayo Khilaafka ka taagan Galmudug.

Waxay ku baaqeen in mudo 3 maalmoo gudahooda ah lagu dhameeyo dhamaan khilaafaadka u dhaxeeyaa Madaxda sare, ee maamulka Galmudug, si Shirka Kismaayo u noqdo mid miro-dhal ah.

Maxamed Axmed Sabriye, Agaasiimaha Xiriirka Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa sidoo kale xaqiijiyay dib u dhigista Kulanka.

Wararka ayaa sheegay in dowladda Federaalka aysan ka qeyb-gali doonin Shirka Kismaayo, kaasi oo ku baaqay in la isagu yimaado Madaxweyne Axmed Madoobe, si dalka khilaafka ka jira loo dhameeyo.

Dowladda Dhexe ayaa lagu soo waramayaa inay sameynayo dedaallo ay ku baajinayso Kulanka Kismaayo, oo qabsoomidaasi ay kasoo horjeedo, maadaama Madaxda qaar ay hareer mareen go'aankii ay ka qaadatey Khilaafka Wadamada Khaliijka.

Si kastaba, Shirka Kismaayo ayaa loo balansan yahay inuu furmo Maalinta Axad ah ee Todobaadka nagu soo aadan, waxaana Xafiiska QM ee UNSOM uu isku dayayaa in dowladda Federaalka ka qeyb-gasho kulankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burburka Shirkii Xalane iyo Khilaafka Doorashada oo Soomaaliya Geliyey Marxalad Siyaasadeed oo Cusub

Wadahadallada ayaa u dhexeeyey madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay…

  • Soomaliya

    15-05-2026

  • 07:53PM

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM