XOG: Dowladda Somaaliya oo laga yaabo inay ka baaqato Shirka Kismayo

Image

KISMAYO, Jubbaland - Magaalada Kismayo ayaa la filayaa in asbuucaan gudihiisa kulan uga furmo maamul goboleedyada Somaliya kadib markii Madaxweynaha Jubaland uu fidiyey gogol lagaga hadlo khilaafka ka dhashey mowqifka dowlada Somaliya ka qaadatey muranka u dhexeeya wadamada Khaliijka.

Kulankaan oo lagu casuumey Madaxweyniyaasha maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, ayaa la filayaa in Madaxweyne Xaaf si rasmi ah uga soo qayb galo.

Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey, ayaa ka qayb galaya kulanka, iyadoo la filayo in uu goob-joog ahaado Wakiilka u qaabilsan Arrimaha Somaliya, Micheal Keating iyo diblomaasiyiin ka tirsan wadamada daneeya arimaha Somaliya.

Wararka Warsidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in dowlada Federaalka Somaliya shaki ku jiro iney kasoo qayb galeyso Shirka, iyadoo diidey codsi uga yimid xafiiska Qaramada Midoobey (UNSOM), kasoo ahaa in kulanka Kismayo aysan ka baaqsan madaama xiriirka maamulada iyo dowlada Muqdisho uu muhiim u yahay in dalka Somaliya dib isugu taago cagahiisa.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in kulan dhexmarey Wakiilada beesha caalamka iyo Madaxweyne Farmaajo loogu soo gudbiyey fariin ah inuu hagaajiyo xiriirka maamulada iyo dowladiisa, kuwasoo uu sheegey in waqti badan iyo lacag ku baxdey hirgalinta nidaamka Federaalka ee Somaliya.

Xiriir aan la sameyney qaar ka tirsan sarakiisha maamulka Jubaland ayaa GO u sheegey iney u diyaargaroobayaan kulankaan qabsoomidiisa iyadoo wafdi ka socda dowlada Federaalka in uu kasoo qayb galo kulankaan la filayey markii hore balse warar dambe ay sheegayaan iney ka cududaarateen kasoo qayb galka wadahadalkaan.

Dowlada Federaalka madaxdooda ayaa diidan sida wararka aan ku heleyno ieny horfariistaan Madaxweyne Xaaf oo khilaaf xoogan soo kala dhexgaley kadib markii Gudoomiyaha Barlamanka ee mamaulkaas iyo ku xigeenka Galmudug Xildhibaano tagersan ay sheegeen in xilkii ka qaadeen Xaaf, go'aankaas oo Villa Somaliya ay aqbashay.

Xogta aan heleyno ayaa xuseysa in madaxda sare ee dowlada Federaalka ka codsatey wakiilada beesha caalamka in Madaxweyne Xaaf uusan kasoo qayb galin kulanka Kismayo, balse wararka ayaa sheegaya iney u sheegeen in ay wanaagsan tahay in aan la faragalin arimaha gudaha ee maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM