MAREYKANKA OO DARDARGELINAYA DANAHIISA MACDANTA AFRIKA

Image

Dowladda Mareykanka ayaa sare u qaadaysa dadaallada ay ku doonayso inay ku hesho macdanta muhiimka ah ee Afrika, iyadoo Washington ay xiriirkeeda qaaradda ka wareejinayso ku-tiirsanaanta gargaarka una jihaynayso ganacsi, maalgashi iyo iskaashi dhaqaale.

Shir heer sare ah oo 18-kii Sebteembar lagu qabtay xarunta CSIS ee Washington ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin sare oo Dowladda Mareykanka ah, madax Afrikaan ah, shirkado macdan iyo hay’ado maaliyadeed. Waxaa looga hadlay sidii loo sugi lahaa silsiladaha sahayda macdanta muhiimka ah, loo maalgelin lahaa mashaariic cusub, looguna beddeli lahaa fursadaha macdanta Afrika heshiisyo ganacsi oo dhab ah. 

Doodaha ayaa kusoo aadaya xilli Mareykanku si weyn u daneynayo critical minerals, oo ay ku jiraan rare-earth elements-ka muhiimka u ah tiknoolajiyadda casriga ah, tamarta iyo warshadaha istiraatiijiga ah. CSIS waxay hore u sheegtay in kororka baahida rare-earth minerals-ku uu maalgashi cusub u jiidayo qaybo Afrika ka mid ah oo muddo dheer aan si weyn loo sahamin. 

Dhanka Soomaaliya, Dowladda Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe xiriir iyo wada-hadallo la yeelanaysay maamullada Puntland iyo Somaliland. Xogo iyo daraasado kala duwan ayaa tilmaamaya in deegaannadaas laga heli karo macdano istiraatiiji ah, inkastoo sahamin ballaaran weli loo baahan yahay. Qiimeyn ku saabsan macdanta Soomaaliya ayaa Puntland ku diiwaangelisay tantalum, tin, dahab, silver, zinc, copper iyo macdanta rare-earth halka xog rasmi ah oo Somaliland ah ay tilmaamayso calaamado macdanta rare-earth elements iyo macdano kale. 

Somaliland ayaa arrintan si toos ah ugu xirtay xiriirkeeda Washington, iyadoo bishii Febraayo sheegtay inay diyaar u tahay inay Mareykanka u oggolaato inuu sahamiyo macdanteeda, gaar ahaan rare earth iyo strategic minerals, isla markaana laga wada hadlo helitaanka xarumo milatari.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

MAREYKANKA OO DARDARGELINAYA DANAHIISA MACDANTA AFRIKA

Shir heer sare ah oo 18-kii Sebteembar lagu qabtay xarunta CSIS…

  • Soomaliya

    20-09-2026

  • 08:30PM

Yaa Doonayay Inuu Dilo Taliye Shub? Xogta Uu Ka Bixiyay Duqeyntii Doolow

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ka shakisan yahay in xog ku saabsan goobta uu ku sugnaa loo gudbiyay dhinacii weerarka fuliyay.

  • Soomaliya

    20-09-2026

  • 05:55AM