Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Image

NEW YORK, Mareykanka — Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa toddobaadkan magaalada New York uga qaybgalay kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo kulamadaasi dib u soo nooleeyeen doodda ku saabsan xaaladda Somaliland iyo mustaqbalka midnimada Soomaaliya.

Sida uu qoray wargeyska The EastAfrican, wafdiga Somaliland ayaa intii ay joogeen Mareykanka kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha waaweyn ee dowladda Mareykanka, oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Pentagon-ka, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Tamarta. Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa la sheegay inay doonayaan in Washington ay qaaddo tallaabo la mid ah tan Israel ee aqoonsiga Somaliland.

Cirro ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay xubno muhiim ah oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, oo ay ku jiraan Senator Ted Cruz, Congressman Brian Mast iyo Senator Mike Rounds. Kulamada ayaa lagu sheegay in diiradda lagu saaray amniga gobolka, xasilloonida badda iyo ganacsiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay uga hortimid aqoonsigii Israel ay siisay Somaliland, iyadoo Muqdisho u aragta Somaliland inay qayb ka tahay dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa New York kula kulmay qaar ka mid ah madaxda caalamka, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vučić, Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa, Madaxweynaha Senegal Bassirou Diomaye Faye iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Muhammad Shehbaz Sharif. Villa Somalia ayaa sheegtay in kulamadaasi diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dhinac, nabadda, amniga, horumarka iyo arrimo kale oo dan guud ah.

Xasan Sheekh yaa sidoo kale wajahaya khilaaf siyaasadeed oo gudaha ah oo la xiriira doorashooyinka dalka, kaddib markii doorashooyinkii la qorsheeyay dib loo dhigay. Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa warqad ay 11-kii September u direen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ka dalbaday in Qaramada Midoobay gacan ka geysato wada-hadal loo dhan yahay oo lagu xallinayo khilaafaadka doorashooyinka, dastuurka iyo kala-guurka siyaasadeed.

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa banaanbax ka dhigay meel u dhow xarunta Qaramada Midoobay ee New York, iyagoo lulayay calanka Somaliland. Dibadbaxayaashu waxay sheegeen inay doonayaan in dib loo soo celiyo waxa ay ku tilmaameen kursigii Somaliland ay heshay markii ay xornimada qaadatay bishii June 1960.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM