Taliye sare oo ka tirsanaa NISA oo u goostay Al-Shabaab, cabsi laga qabo inuu bixiyo xog xasaasi ah

Image

MUQDISHO — Taliye sare oo ka tirsanaa cutubka gaarka ah ee Duufaan ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa la sheegay inuu ku biiray kooxda Al-Shabaab, isaga oo la baxay agab iyo dukumentiyo la xiriira howlaha cutubka, arrintaas oo dhalisay walaac ku saabsan amniga xogaha sirdoonka Soomaaliya.

Sarkaalka oo magaciisa lagu soo koobay Luqman, ayaa hoggaaminayay cutubka Duufaan, oo ah ciidan gaar ah oo ka tirsan NISA, isla markaana tababar ka helay Turkiga.

Taliyaha ayaa la sheegay inuu la baxay agab ay ka mid yihiin kombiyuutarro, qalabka isgaarsiinta iyo faylal ay ku jireen xog la xiriirta howlaha cutubka.

Falkan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in Al-Shabaab ay hesho xog xasaasi ah oo ku saabsan shabakadda sirdoonka dowladda, gaar ahaan dadka xogta siiya hay’adda ee ka howlgala deegaannada ay kooxdaasi maamusho.

Falanqeeye Rashid Cabdi oo ka tirsan xarunta cilmi-baarista Sahan Research ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in dhacdadani ay dhaawac weyn u geysan karto awoodda sirdoon ee NISA, maadaama Al-Shabaab ay suuragal tahay inay gacanta ku dhigto xog muhiim ah oo ku saabsan ilaha xog-ogaalka ah ee dowladda.

“Hay’adda sirdoonka Soomaaliya, NISA, ayaa la sheegay inay si weyn u nuglaatay, iyadoo Al-Shabaab ay hadda suuragal tahay inay hesho xog sirdoon oo muhiim ah, sida magacyada iyo cinwaannada dadka xogta siiya ee ka howlgala deegaannada xasaasiga ah ee ay maamusho Al-Shabaab,” ayuu yiri Rashid Cabdi.

Wuxuu intaas ku daray in NISA ay dadaal ugu jirto xakameynta xaaladda, balse ay dhici karto in tallaabooyinkaas ay soo daahaan.

 Warar kale ayaa sheegay in sarkaalkan uu hore uga tirsanaa hoggaanka sare ee cutubka Duufaan, isla markaana uu soo maray degmada Dayniile ee Muqdisho iyo deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose, ka hor inta uusan gaarin deegaannada Al-Shabaab maamusho ee gobolka Jubbada Dhexe.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in sarkaalkan xilka laga qaaday ka hor inta uusan ka tagin Muqdisho, inkasta oo aan la faahfaahin sababta xilka looga qaaday ama in baaritaan rasmi ah lagu sameeyay.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo NISA ay waddo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, oo muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya, isla markaana leh shabakado xog-ururin iyo weerarro ka fuliya gudaha dalka.

Ku biiritaanka sarkaal sare oo ka tirsanaa hay'adda sirdoonka ayaa haddii la xaqiijiyo noqon kara caqabad amni, gaar ahaan haddii xogta uu hayay ay halis geliso dadka xogta siiya dowladda iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles