Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya
ABU DHABI — Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo colaadda iyo xiisadaha ka taagan Itoobiya, xilli dalkaasi uu wajahayo dagaallo cusub oo u dhexeeya TPLF iyo kooxo hubeysan oo dhinac ah iyo ciidamada dowladda federaalka Itoobiya.
War kasoo baxay Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in dowladda ay si adag u cambaareysay weerarradii u dambeeyay ee ay sheegtay in ay qaadeen TPLF iyo isbahaysiga hubeysan ee ay ku biirtay, iyo sidoo kale qabsashada garoomo diyaaradeed oo ku yaalla Tigray iyo dagaallada ka sii daraya ee ka socda gobollada deriska ah ee Afar iyo Amhara.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka, Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, ayaa ku baaqay “in si degdeg ah loo joojiyo colaadda iyo in xiisadaha la dejiyo,” isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dadka rayidka ah iyo ka hortagga rabshado hor leh.
Sheekh Shakhboot ayaa sidoo kale dhinacyada ugu baaqay inay mudnaanta siiyaan wada-hadalka iyo hababka nabadeed si loo xalliyo khilaafka, isla markaana loo hoggaansamo heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee lagu soo afjaray dagaalkii Tigray.
Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya, isagoo diiday isku day kasta oo lagu doonayo in xoog ama tallaabo hubeysan lagu beddelo nidaamka dastuuriga ah ee dalka.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale mar kale xaqiijisay inay taageersan tahay madaxbannaanida, midnimada, dhuleednimada, amniga iyo xasilloonida Itoobiya, iyadoo ku boorrisay dhinacyada ku lugta leh inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta colaadda.
GAROWE ONLINE