Hoggaamiyaha mucaaradka Zambia oo lagu soo oogay dacwad khiyaano qaran

Image

LUSAKA, Zambia — Hoggaamiyaha mucaaradka Zambia, Brian Mundubile, ayaa lagu soo oogay dacwad khiyaano qaran, sida uu sheegay qareenkiisa, xilli dalka uu wajahayo xiisado siyaasadeed oo sii kordhaya.

Mundubile ayaa la xiray Khamiistii, kadib markii ciidamada ammaanka ay weerareen goob ku taalla caasimadda Lusaka oo lala xiriiriyay isaga, taas oo sababtay inuu muddo dhuunto. Weerarkaasi waxaa lagu dilay wasiir hore oo ka tirsanaa xukuumadda, waxaana sidoo kale lagu xiray siyaasiyiin kale.

Mundubile ayaa hore u diiday natiijada doorashadii madaxtinimada ee 13-kii Agoosto, taas oo madaxweyne Hakainde Hichilema uu ku guuleystay muddo labaad. Natiijooyinka rasmiga ah ayaa muujinaya in Hichilema helay 60 boqolkiiba codadka, halka Mundubile uu helay 38 boqolkiiba.

Hay’adaha dowladda ayaa ku eedeeyay xisbiga Mundubile ee NRPUP inuu qorsheynayay kacdoon hubeysan, balse xisbigu si adag ayuu u beeniyay eedeymahaas.

Qareenka Mundubile, Milner Katolo, ayaa sheegay habeenkii Sabtida in macmiilkiisa si rasmi ah loogu soo oogay dacwad khiyaano qaran. Waxa uu sheegay in Mundubile uu diyaar u yahay inuu maxkamadda uga jawaabo eedeymaha loo soo jeediyay.

Katolo ayaa sidoo kale sheegay in 17 qof oo kale, oo uu ku jiro ku-xigeenkii Mundubile ee doorashada, Makebi Zulu, lagu soo oogay isla dacwadda khiyaanada qaran. Kiiska ayaa kusoo beegmaya xilli walaaca laga qabo xiisadaha siyaasadeed ee Zambia uu sii kordhayo kadib doorashadii madaxtinimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiilka Museveni oo sheegay inuu u tartami doono madaxtinimada Uganda 2031

Kainerugaba, oo 52 jir ah, ayaa muddo dheer loo arkayay inuu noqon karo qofka beddela aabbihii oo 81 jir ah.

  • Afrika

    27-08-2026

  • 01:05PM

Hichilema oo mar kale ku guuleystay doorashada Zambia, mucaaradkana oo natiijada dacwad ka gudbinaya

Mundubile ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in natiijada doorashadu aysan “si dhab ah uga tarjumayn wixii ka dhacay doorashadan”.

  • Afrika

    19-08-2026

  • 06:03AM