Itoobiya: In ka badan 60 qof oo lagu dilay weerarro ka dhan ah Masiixiyiinta gobolka Oromia
ADDIS ABABA - In ka badan 60 qof ayaa lagu dilay weerarro isdaba joog ah oo lagu qaaday Masiixiyiin ku nool gobolka Oromia ee dalka Itoobiya, sida ay sheegtay Kaniisadda Ortodokska Itoobiya.
Weerarrada ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan degmada Shirka, halkaas oo dad hubeysan ay ku qaadeen weerarro lagu tilmaamay xasuuq. Kaniisadda Ortodokska Itoobiya ayaa sheegtay in weerarrada lagu gubay 20 guri, iyadoo aanay caddeyn cidda ka dambeysay.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo aabbihii oo 75 jir ahaa lagu dilay weerarrada ayaa sheegay in dadka la weeraray aanay waxba kala socon weerarka ka hor.
“Gebi ahaanba diyaar uma aannu ahayn, wax xog ah oo horena uma aannu hayn. Waxay naga soo hareereeyeen afarta jiho,” ayuu ninkaas u sheegay BBC-da laanteeda Af-Amxaarka.
Kaniisadda ayaa sheegtay in shan ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen carruur, sida ay goobjoogayaashu u sheegeen BBC-da Af-Amxaarka.
Mas’uul ka tirsan kaniisadda ayaa weerarrada ka dhacay saddex deegaan oo ka tirsan degmada Shirka ku tilmaamay “xasuuq”. Wuxuu sheegay in ciidamada ammaanku ay goobta gaareen, balse ay ku guuldarreysteen inay joojiyaan weerarka.
Dowladda gobolka Oromia ayaa sheegtay inay tallaabo ka qaadi doonto dadkii ka dambeeyay weerarrada. Mas’uul maxalli ah ayaa eedda dusha uga tuuray isbahaysi mucaarad hubeysan oo cusub oo lagu magacaabo Alliance for Survival, kaas oo ay ku jirto Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA).
Jabhadda OLA weli kama aysan hadlin weerarradan gaarka ah, hase yeeshee horay ayay u beenisay eedeymo la xiriiray weerarro noocan oo kale ah.
Dhanka kale, dad badan oo deegaanka ku nool ayaa ka barakacay guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba in weerarro kale ay dhacaan.
Kaniisadda Ortodokska Itoobiya ayaa sheegtay in weerarrada lagu beegsanayo Masiixiyiinta ay muddooyinkii dambe sii kordhayeen, waxayna ugu baaqday dowladda inay xaqiijiso amniga shacabka iyo in dadkii ka dambeeyay dilalka sharciga la horgeeyo.
GAROWE ONLINE