Dimuqraadiyadda Afrika oo hoos u dhacaysa, hoggaamiyeyaashuna awoodda isku koobayaan

Image

LONDON — Dimuqraadiyadda, xuquuqda aadanaha iyo ka qaybgalka bulshada ee maamulka Afrika ayaa hoos u sii dhacaya, iyadoo hoggaamiyeyaasha qaaradda ay ku daydaan kororka hoggaamiyeyaasha awoodda ku urursada meelo kale oo caalamka ah, sida uu sheegay bilyaneerka reer Suudaan ee haysta dhalashada Britain, Mo Ibrahim.

Mo Ibrahim, oo 80 jir ah, ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka AFP kaga hadlay warbixintii ugu dambeysay ee Mu'asasadiisa Mo Ibrahim Foundation, taas oo qiimeysay xaaladda maamulka iyo hoggaaminta dalalka Afrika tobankii sano ee la soo dhaafay. Warbixintu waxay muujisay horumar laga sameeyay fursadaha dhaqaale iyo horumarinta nolosha bulshada, balse ay si weyn hoos ugu dhaceen amniga, xuquuqda aadanaha iyo ka qaybgalka dadweynaha ee go'aan qaadashada.

Ibrahim ayaa walaac ka muujiyay doorashooyinkii sanadkii ugu dambeeyay ka dhacay Tanzania iyo Uganda. Tanzania, ciidamada ammaanka ayaa lagu eedeeyay inay dileen kumannaan dibadbaxayaal ah, halka Uganda ay ciidamada ammaanka weerareen hoggaamiyaha mucaaradka Bobi Wine, kaas oo Ibrahim sheegay in la baadi-goobay isla markaana jir ahaan loo weeraray. "Waa arrin ceeb weyn ah," ayuu yiri Ibrahim, isaga oo ka hadlayay xaaladahaas.

Warbixinta ayaa sheegtay in 30 dal oo ay ku nool yihiin kala bar dadka Afrika ay sannadkii 2025 lahaayeen dhibco maamul oo ka wanaagsan kuwii ay lahaayeen 2016, taas oo inta badan lala xiriiriyay horumar dhaqaale. Si kastaba, 23 dal ayaa hoos u dhacay, halka hal dal uusan wax isbeddel ah sameyn. Ibrahim ayaa sheegay in hoos u dhaca xuquuqda iyo xorriyadaha qaaradda uu qayb ahaan la xiriiro daciifnimada dimuqraadiyadda xorta ah ee caalamka, laga bilaabo Maraykanka ilaa Yurub iyo Ruushka.

"Waxaan ku jirnaa xilli yaab leh, waxaana meel kasta ka arki karnaa kororka hoggaamiyeyaasha awoodda badan," ayuu yiri Ibrahim. Waxa uu intaas ku daray in hoggaamiyeyaasha Afrika ay marka ay arkaan madax kale oo awoodda ku urursanaya dunida ay u qaadan karaan inay iyaguna sidaas sameyn karaan iyaga oo aan wax cawaaqib ah kala kulmin.

Ibrahim ayaa sidoo kale dhaliilay siyaasadda arrimaha dibadda ee maamulka Madaxweyne Donald Trump, isaga oo sheegay in Washington ay u wareegtay diblomaasiyad ku dhisan dano is-dhaafsi ah, taas oo wiiqaysa nidaamka caalamiga ah iyo ku dhaqanka sharciga. Warbixintu waxay tilmaantay in toddobada ka mid ah 10-ka dal ee ugu hoos u dhaca badan dhinaca maamulka ay tobankii sano ee la soo dhaafay la kulmeen ugu yaraan hal afgambi militari. Burkina Faso ayaa diiwaangelisay hoos u dhaca ugu weyn, waxaana sidoo kale liiska dalalka waxqabadkoodu sii xumaaday ku jiray Nigeria, Suudaan iyo Tunisia.

Isaga oo ka hadlayay go'aankii Mareykanka ee sannadkii hore lagu joojiyay hay'addii USAID iyo taageeradii dhaqaale ee ay siin jirtay dalal badan oo Afrika ah, Ibrahim ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid aad u adag. Waxa uu sheegay in Mareykanku xaq u leeyahay inuu go'aansado bixinta gargaarka, balse ay habboonaan lahayd in dalalka la siiyo waqti ay isku diyaariyaan. Waxa uu ku baaqay in Afrika ay isku tashato, isla markaana ay iskaashi la yeelato dal kasta oo diyaar u ah inuu la shaqeeyo, oo ay ku jiraan Yurub, Shiinaha iyo Hindiya.

Ibrahim ayaa rajada mustaqbalka qaaradda ku xiray dhalinyarada, kuwaas oo hadda ka badan 60 boqolkiiba dadka Afrika, iyadoo la saadaalinayo in sannadka 2050-kii saddexdii dhalinyaro ee dunida ku nool mid uu Afrikaan noqon doono. Waxa uu sheegay in jiilka cusub uu ka xog-ogaalsan yahay, waxbarashadiisuna ka wanaagsan tahay jiilalkii hore. "Waxaan qirayaa in jiilkeennii uu fursado badan oo Afrika u furnaa khasaaray," ayuu yiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM