Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Image

NAIROBI — Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay heshiis la gaartay Ruushka, kaas oo lagu joojinayo qorista muwaadiniinta Kenya ee lagu biirinayo ciidamada milatariga Ruushka, kaddib kulan dhexmaray Madaxweyne William Ruto iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin.

Aqalka Madaxtooyada Kenya ayaa sheegay in heshiiska uu dhigayo in Kenya aysan noqon doonin dal laga qorto askar loo dirayo ciidamada Ruushka, taas oo meesha ka saaraysa waddooyinkii lagu qori jiray muwaadiniinta Kenya si ay uga qaybqaataan dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in Putin uu xaqiijiyay in muwaadiniinta Kenya aan dib loogu qori doonin ciidamada Ruushka.

Sidoo kale, Ruto ayaa shaaciyay in Kenya ay sarkaal u qaabilsan arrimaha milatariga (Defence Attaché) ka hawlgelin doonto safaaraddeeda Moscow, kaas oo xiriir toos ah la yeelan doona Wasaaradda Difaaca Ruushka.

Sarkaalka ayaa sidoo kale ka shaqayn doona sidii muwaadiniinta Kenya ee hore ugu biiray ciidamada Ruushka dib loogu soo celin lahaa dalkooda, loona fududayn lahaa magdhowga dadka ay dhibaatadu saameysay.

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka, qaarna ay ku dhinteen dagaalka Ukraine, halka kuwo kale la la'yahay ama maxaabiis ahaan loo qabtay.

Mas'uuliyiinta Kenya ayaa hore u sheegay in qaar ka mid ah muwaadiniinta dalkaas Ruushka loogu qaaday ballanqaadyo shaqooyin rayid ah, balse markii dambe lagu daray ciidamada milatariga.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga labada dal. Ruto ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada xaajoon doonaan heshiis shaqo oo u sahli kara muwaadiniinta Kenya inay si sharci ah uga shaqeystaan Ruushka.

Waxaa kale oo ay isku raaceen in la kordhiyo deeqaha waxbarasho ee ardayda Kenya ee wax ka barata Ruushka, kuwaas oo laga dhigi doono 300, halkii ay markii hore ka ahaayeen 70.

Deeqahaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa caafimaadka, sirdoonka macmalka ah, tiknoolajiyadda, duulista iyo amniga internetka.

Ruto ayaa sidoo kale sheegay in labada dal ay dhisi doonaan guddi wadajir ah oo xoojiya iskaashiga dhaqaalaha, isaga oo Putin ku casuumay inuu booqasho ku yimaado Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM

Itoobiya: In ka badan 60 qof oo lagu dilay weerarro ka dhan ah Masiixiyiinta gobolka Oromia

Kaniisadda ayaa sheegtay in shan ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen carruur, sida ay goobjoogayaashu u sheegeen BBC-da Af-Amxaarka.

  • Afrika

    27-10-2026

  • 10:45AM