10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Image

JOHANNESBURG — Soomaaliya ayaa kaalinta afaraad ka gashay dalalka Afrika ee ay muwaadiniintoodu haystaan tirada ugu badan ee oggolaanshaha sharci ah ee ay ku deggen yihiin Koonfur Afrika, sida lagu sheegay xog cusub oo ay soo saartay waaxda arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Xogta, oo ay daabacday Business Insider Africa, ayaa muujinaysa in 3,961 Soomaali ah ay haystaan oggolaansho socdaal ama deggenaansho oo sharci ah gudaha Koonfur Afrika.

Zimbabwe ayaa kaalinta koowaad kaga jirta liiska, iyadoo 23,218 muwaadiniinteeda ah ay haystaan oggolaansho sharci ah, waxaana ku xiga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo leh 7,306, halka Nigeria ay ku jirto kaalinta saddexaad oo leh 5,242.

Ethiopia ayaa kaalinta shanaad kaga jirta liiska iyadoo leh 1,749 qof.

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

Guud ahaan, Koonfur Afrika waxaa ka diiwaangashan 105,260 qof oo ajaanib ah oo haysta oggolaansho socdaal ama deggenaansho oo sharci ah. Kuwaas, 56,614 qof, oo u dhiganta 53.8 boqolkiiba, ayaa ka soo jeeda dalal kale oo Afrika ah.

Xogtan ayaa daboolaysa oggolaanshihii lagu diiwaangeliyay nidaamka Visa Adjudication System ee Waaxda Arrimaha Gudaha intii u dhaxaysay 24-kii Nofeembar 2014 iyo 24-kii Agoosto 2026.

Koonfur Afrika ayaa sidoo kale waddo dib-u-habeyn lagu casriyeynayo nidaamka socdaalka, oo ay ka mid yihiin adeegyada dhijitaalka ah iyo xaqiijinta xogta biometric-ka, iyadoo dowladda ay isku dayayso inay yareyso dib-u-dhacyada ku yimid fiisooyinka iyo oggolaanshaha deggenaanshaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM

Hoggaamiyaha mucaaradka Zambia oo lagu soo oogay dacwad khiyaano qaran

Hay’adaha dowladda ayaa ku eedeeyay xisbiga Mundubile ee NRPUP inuu qorsheynayay kacdoon hubeysan, balse xisbigu si adag ayuu u beeniyay eedeymahaas.

  • Afrika

    30-08-2026

  • 10:57AM