Shirka labaad ee Rooble iyo Musharaxiinta oo bilowday

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir labaad oo u dhaxeeya Ra'iisul Wasaaraha xukuumada waqtiga ka dhamaadey Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa ka bilowday Hotel Decale ee magaalada Muqdisho.

Wadahadaladda waxaa kasoo muuqanaya Xasan Cali Khayre, ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya haatanna ah musharax madaxwayne oo u taagan tartanka madaxtinimadda doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21.

Khayre ayaa seegay kulankii qabsoomay Khamiistii lasoo dhaafay kasoo ay kasoo baxeen go'aano ay kamid yihiin; raaligelin ay xukuumada ka bixisay dhacdooyinkii 2019-kii iyo hakinta mudaaharaadka musharaxiinta.

Warar ku dhow shirka ayaa sheegaya in ajendaha maanta uu kamid yahay doorka musharaxiinta ku yeelanayaan wadahadalada qabsoomaya maalmaha soo aadan ee ku aadan doorashooyinka heer federaal.

"Ra'iisul Wasaare Rooble wuxuu shirka kadib shir isugu yeeri doonaa madaxda dowlad goboleedyadda si ay uga soo qeybgalaan shhir ku qabsoomaya magaaladda Muqdisho," ayuu yiri illo wareed ku dhow shirka.

Shirkaas ka dhacaya magaala madaxda waxaa qorshuhu yahay in lagu saxiixo qodobadii kasoo baxay shirkii guddiyada farsamadda ee ku qabsoomay caasimadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Soojeedinta guddigaas waxaa ay xal u yihiin caqabadaha ka taagan doorashooyinka 20202-21 gaar ahaan sadexda qodob ee xudunta u ah muranka oo kala ah; arrinta gobolka Gedo, Somaliland iyo guddiyada coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM