Shirka Xifadleyda Teknolojiyada Soomaaliya oo lasoo gaba-gabeeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa si rasmi ah u soo xiray shirweynaha 3aad ee Madasha Xirfadleyda Teknolojiyada (Somali Network Operators Group - SomNOG), iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socotay shirkadaha isgaarsiinta, internetka, jaamacadaha, iyo xirfadleyda teknolojiyada.

Md. Cabdiqani Jaamac oo ah khabiir dhinaca sharciyada isgaarsiinta ah, Dr C/risaaq Dalmar oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Dalladda jaamacadaha ee SomaliREN, iyo Md. C/qaadir Kadle oo ah Guddoomiyaha SOMNET, oo dhammaantood xiritaanka shirka ka hadlay ayaa ka sheekeeyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada 20-kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo bogaadiyay dadaallada kala duwan ee ay wadaan shirkadaha, jaamacadaha iyo dawladda ee la xiriira horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada.

Wasiir Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu sanadkii 2aad oo xiriir ah ka soo qeybgalo shirkan, taasina ay muujineyso sida Wasaaraddu u garab taagan tahay Ururka xirfadleyda ee SomNOG oo qeyb muhiim ah ka ah bahda teknolojiyada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu sare u soo kacayo wacyiga dhallinyarada ee arrimaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada. “Toddobaadkan iyo kii ka horreeyay wuxuu isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka u yahay mid muhiim ah. Shirka aan maanta soo xireyno wuxuu soo billowday 15kii Oktobar 2018. 16 illaa 17kii waxaa dhacday Carwada Isgaarsiinta & Teknolojiyada. 23ka bishana waxaa furmaya Shirweynaha Teknolojiyada Muqdisho,” ayuu yiri wasiirka oo intaasi ku daray “Dhammaan dhacdooyinkaas waxaa soo qabanqaabiyay dhallinyaro isxilqaamay.”

Wasiirka ayaa sheegay in dhowaan ay billaaban doonaan wada-tashiyo ku saabsan xeer-nidaamiyeyaal (regulations) lagu fulinayo sharciga isgaarsiinta, uuna rajeynayo in dhallinyarada xirfadleyda ah ay talooyinkooda ku soo biirin doonaan.

“Waxaan rajeyneynaa in kulankan iyo kuwa la midka ahba ay dawladda ku kordhin doonaan fikrado cusub oo ku saabsan sidii dalkan looga horumarin lahaa dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada,” ayuu yiri wasiirka oo intaasi ku daray in fikradaha ka soo baxa madal noocan oo kale ah ay tixgelin doonaan marka la dajinayo qorshaha horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka.

Madashan oo ah mid sanadle ah oo markii 3aad la qabanayo waxay isugu jirtay tababarro iyo aqoon-isweydaarsiyo, waxaana ujeeddadeedu tahay sidii loo kobcin lahaa xirfadaha la xiriira kaabayaasha iyo adeegyada isgaarsiinta Internet-ka iyo sidii loo abuuri lahaa madal furan oo ay xirfadleyda iyo daneeyeyaasha kale ee isgaarsiinta Internet-ku ay ku wadaagaan aqoonta, khibradaha iyo warbixinnada la xiriira teknoolojiyadda Internet-ka, isla markaana si joogto ah loogu sameyn lahaa wacyi-gelin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM