Shirkada Turkiga ee dhismaha jidka Afgooye oo qalabkeeda "la baxeysa"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shirkadda la siiyey qandaraaska dhismaha jidka Afgooye ayaa lagu waramayaa in ay bilowday in ay qalabkeeda kala soo baxdo halka uu ka socdo dayactirka.

Idaacadda maxaliga ah ee Kulmiye ayaa Axada maanta ah baahisay in shirkada ay qalabkeeda kusoo celineyso magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

"Xiliyadii hore marka ay shaqada ka baxayaan waxaa looga tegi jiray goobta, balse hadda waxay u muuqaneysaa in ay wax jiraan," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka. 

Talaabadan oo dib-u-dhac ku noqon karta dhameystirka wadada ayaa kusoo aadeysa xili ay Al-Shabaab kordhisay beegsiga howlwadeenada.

Ma cadda hadii arrintaan ay si toos ah ugu lug-leedahay weerarada maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Iyaddoo sidoo kale aan la hubin hadii si ku meel gaar ah ama si toos ah loo hakiyey shaqadii dayactirka, shirkadda wadday shaqada ayaa laga leeyahay dalka Turkiga.

Dhanka kale, xiriiro lala sameeyay safaarada Turkiga ee Muqdisho si wax looga waydiiyey daad-gureynta qalabka dhismaha ee shirkada ayaanan guuleysan.

Sabtidii, 18-ka Janaayo, 2020, ku dhowaad 20 qof ayaa ku dhaawacantay, saddex kalena way ku dhinteen kadib weerar is-miidaamin oo lagu ekeeyay shaqaalaha dhismaha jidkaas.

Lix kamid ah dhaawacyadda ayaa ah Turki kuwaasoo isugu jira shaqaale iyo Injineero. Safaaradda Turkiga waxay xaqiijisay in laba kamid ah xaaladoodu tahay mid aad khatar u ah.

Al-Shabaab oo sheegatay falkaas ayaa horey ugu goodisay in ay beegsaneyso Turkiga oo ay ku eedeysay "in uu duulaan ku yahay khayraadka iyo Ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah".

Bishii December, 2019, laba kamid ahaa shaqaalaha Turkida ee dhismaha jidka Afgooye ayaa kamid ahaa 80 kale oo ku naf-waayey qarax ismiidaamin oo ka dhacay isgoyska Ex-kontarool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM