Dib u dhac ku yimid Shirkii uu ku baaqay Farmaajo [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkaan oo uu ku baaqey Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa dib udhac ku yimid, sida ay Warsidaha GO u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Baaqashadda ayaa sabab looga dhigey in aysan soo xaadirin shirkani dhinacyadda isku haya hogaanka Galmudug, kuwaasoo ku kala sugan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Garabka Dhuusamareeb oo uu hogaamiyo Madaxwayne Xaaf oo war culus kasoo saarey baaqa Madaxwaynaha ayaa lagu qaadacey, waxaana loogu baaqey inay Villa Soomaaliya faragelinta ka deyso.

Dhinaca kale, darafka ku sugan xarunta Baarlamaanka Galmudug ayaa soo dhaweeyay baaqa Madaxwaynaha, waxa ayna cod dheer ku sheegeen inaanu jirin faragelin DFS ku hayso, xili ay eedo dusha u saareen Xaaf.

Baaqashadda shirka uu Madaxwaynaha ku baaqey ayaa kusoo aadeysa xili dhanka kale uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya maamualda iyo madaxda dowlada, xili xiriirka loo hakiyey Madaxtooyadda.

Waa Shirkii labaad oo Farmaajo ku baaqo islamarkaana qabsoomi waayay bishan gudaheeda.

Xaaladda siyaasadda dalka ayaa umuuqata mid aanan sal fadhiya lahayn bilooyinkii udambeeyay waxaana jirey murano siyaasadeed, taasi oo xeel-dheerayaasha ka digayaan inay sii socoto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM