"Shirqool lala damacsan yahay" mucaaradka Galmudug oo laga digay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qarxiyey xog ku saabsan in la abaabulayo shirqool ka dhan ah siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa daboolka ka qaadey in fariintaan ay xarunta Galmudug geeyeen "rag loo haysto danbiyo dagaal".

Hase ahaatee, siyaasigu ma magacaabin shaqsiyaadka "fariintan ka sidda madaxda dowladda" ee uu eedeynta u jeediyey.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayuu ku waaniyey siyaasiyiinta in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.

Sikastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa soo shaac-baxeysa iyaddoo loolanka siyaasadeed ee maamulka uu meeshii ugu sareeyay gaarey.

Galmudug ayaa haatan leh saddex baarlamaan iyo saddex hogaan oo kala duwan, taasoo ah arrin aad looga dhigayey muddooyinkii dambe.

Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiga

Waxaan xog ku helayaa in rag loo haysto danbiyo dagaal ay magaalada Dhuusamareeb geeyeen farriimo la sheegay in ay madaxda dowladda ka sidaan oo ah in la weeraro siyaasiyiinta ka aragtida duwan hoggaanka Dowladda Federaalka ah.

Waxaan ugu baaqayaa saraakiisha ciidanka in ay dibad joog ka ahaadaan loolanka siyaasadeed ee Galmudug ka taagan, kuna ekaadaan sugidda amniga iyo la dagalaanka argagexisada, kuna cibra qaataan kuwa horay danbiyada la geliyey oo waysan meel ay maanta ciirsadaan, raadinayana saraakiil sidooda oo kale danbiyada ku wehashadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM