"Shirqool lala damacsan yahay" mucaaradka Galmudug oo laga digay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qarxiyey xog ku saabsan in la abaabulayo shirqool ka dhan ah siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa daboolka ka qaadey in fariintaan ay xarunta Galmudug geeyeen "rag loo haysto danbiyo dagaal".

Hase ahaatee, siyaasigu ma magacaabin shaqsiyaadka "fariintan ka sidda madaxda dowladda" ee uu eedeynta u jeediyey.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayuu ku waaniyey siyaasiyiinta in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.

Sikastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa soo shaac-baxeysa iyaddoo loolanka siyaasadeed ee maamulka uu meeshii ugu sareeyay gaarey.

Galmudug ayaa haatan leh saddex baarlamaan iyo saddex hogaan oo kala duwan, taasoo ah arrin aad looga dhigayey muddooyinkii dambe.

Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiga

Waxaan xog ku helayaa in rag loo haysto danbiyo dagaal ay magaalada Dhuusamareeb geeyeen farriimo la sheegay in ay madaxda dowladda ka sidaan oo ah in la weeraro siyaasiyiinta ka aragtida duwan hoggaanka Dowladda Federaalka ah.

Waxaan ugu baaqayaa saraakiisha ciidanka in ay dibad joog ka ahaadaan loolanka siyaasadeed ee Galmudug ka taagan, kuna ekaadaan sugidda amniga iyo la dagalaanka argagexisada, kuna cibra qaataan kuwa horay danbiyada la geliyey oo waysan meel ay maanta ciirsadaan, raadinayana saraakiil sidooda oo kale danbiyada ku wehashadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM