Shuceyb Cabdullaahi: 'Gacan ku dhiiglaha' Imaam Masjid khaarijiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamada ayaa Axadda maanta ah soo gabagabeysay maxkamadeynta afar ruux oo lagu sheegay shabakadii Al-Shabaab u qaabilsaneyd galbeedka Muqdisho.

Shaqsiyaadkaas ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay in ay kala yihiin; Shuceyb Cabdullaahi Maxamed, Saadaq Cabdijibaar Cumar, Maxamed Cismaan Axmed iyo Ismaaciil Maxamed Aweys.

Xubnahaan ayaa loo haystaan dilal kala duwan oo ka dhacay cirifka magaala madaxda dalka dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika.

Dacwad oogeyaasha ayaa waxay soo jeediyeen in dhamaantooda garka loo geliyo "ciqaabta u qalanta oo ah dil toogasho".

Qareenada u doodaya ayaa taas bedelkeeda codsaday in la bedelo qodobada ku xusan eeda "maadaama waqtiyo kala duwan lasoo qabtay".

Si lamid ah waxay ku doodeen in ay ahaayeen arday iyo dad u xamaasha noloshooda. Kadibna xorriyadooda loo celiyo.

"Maxkamadda waxaan ka codsaneynaa in dambiyadaas aan lahayn marqaatiyadda ay baabi'iso, sida ku cad qodobka 111," ayuu yiri mid kamid ah qareenadda.

Gabagabadii, xeer-beegtada oo fadhiga soo xirtay ayaa waxay tilmaamtay in xukunka ay ka qaadaneyso kiiskan kusoo saari doonto qaab qoraal ahaan, maalmaha soo aadan.

"Dilaaga" Imaamka Masjid

Sidda ku cad gal-dacwadeedka, Shuceyb oo magaciisa afgarashadu yahay Axmed ayaa geystay badi dilalka ugu badan.

Dadka uu khaarijiyey waxaa kamid ahaa Cabdi Cali Maxamuud, oo ahaa ruux ka ganacsatada iibinta hilibka ama kawaanle.

Marxuumka ayaa ifka kaga tegay laba xaas iyo caruur ay u dhaleen oo wadar ahaan lagu sheegay Sagaal oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Baareyaasha ayaa tibaaxay in sidoo kale Shuceyb uu gacantiisa ku naf-gooyey Yuusuf Cabdullaahi Maxamuud, Gaashaanle ka tirsanaa milatariga.

Ka sokow ciidanka, marxuumka ayaa wadaad Salaada ka tujiya Masaajid [Imaam] iyo xirfadle caafimaad oo "dadka badbaadiya".

"Baaraha wuxuu sheegay in uu Masaajid ka ahaa Imam. Salaada markii kasoo baxay la dilay," ayay tiri xeer-ilaalinta. "Waxay tilmaameysaa in qofka oo Soomaali ah ay kooxdan ugu xukuman tahay dil".

Dilkiisa ayaa wuxuu dhacay 9-kii December 2017-kii xili uu kasoo baxay salaadda Maqrib, sidda ku xusan maxsuulka baaritaanka oo nuqul kamida la siiyey warbaahinta.

Eedeysaneyaasha kale

Maxamed Cismaan, ayaa lagu soo eedeeyay in uu hubka iyo gacan ku dhiigleyaasha ku kala gudbin jiray Bajaaj. Ismaaciil Maxamed Aweys wuxuu dhankiisa qirtay in howlgalkiisii ugu horeeyay uu dhicisoobay.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in dhagartaas ay ka badbaaday Baarliin Cabdi Warsame, hooyo ilmaheeda ka korisa iibinta khaadka.

Saadaq Cabdijibaar Cumar, oo 2015-16 mar loo xiray tuhun ku aadan dhaawac iyo Al-Shabaabnimo ayaa waxaa "ku cadaatay" in uu ka dambeeyay fal lagu khaarijiyey Maxamuud Xuseen, oo askari ahaa.

Bastooladda uu falka ku geystay ayaa waxaa laga furtay Maxamed Axmed Cabdulle, oo kamid ahaa hogaanka baarista dambiyada CID-da, kaasoo hore loogu khaarijiyey magaaladda caasimadda ah.

Cabdijibaar oo la sheegay in uu khaarijinta geystay bishii April ee sanadkan 2019-ka ayaa waxaa laga soo qabtay degmadda Dayniile gaar ahaan agagaarka Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ee Gaheyr.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 11:37AM

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM