Shuruud lagu xiray furitaanka kulanka Muqdisho oo la taageeray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa taageertay mid kamid ah shuruudihii ay Puntland iyo Jubaland ku xireen furitaanka wada-xaajoodyada Muqdisho ee arrimaha doorashada Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha labadan maamul oo ku sugan caasimada waddanka ayaa sheegay in shirka furmayo marka dowlada ciidanka kala baxdo gobolka Gedo iyo in ay kusoo biiraan maamulada kale.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madashaan ay ku mideysan yihiin lix kamid ah xisbiyada siyaasada dalka ayaa lagu adkeeyay ahmiyada ay leedahay in madaxda isku tanaasusho kana miradhaliyaan shirka.

"Madashu waxay ugu baaqeysaa madaxda dowladda federaalka in ay shirkaan goojoog ka noqdaan dhamaan dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka si looga gudbo khilaafka hareeyay hanaanka doorashada lagana gaaro go'aano kama dambeys ah oo loo dhanyahay," ayaa lagu yiri.

Xilli ay kulanka ku qeexeen "fursad qaali ah," bayaanka ayaa lagu soo jeediyey in go'aanada noqdaan wada ogol, lagana fogaado in dalka iyo dadka la geliyo jahwareer aysana horseedin muddo kororsi.

"Madasha waxay ku baaqeysaa in la balaariyo gogosha looga arrin-sanayo arrimaha doorashooyinka dalka laguna casuumo hogaanka Ururada Bulshada Rayidka iyo xisbiyada siyaasadeed, si looga feejignaado wax kasta oo keeni kara khilaaf," ayay raaciyeen.

Dib u eegis lagu sameeyay qaar kamid ah qodobadii ku jiray natiijadii aan loo dhameyn ee shirkii DhuusamareebIII ayay ku baaqeen si gaar ah kuwa diidaya in coddeynta soo aadan xilligeeda ku dhacdo.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Farmaajo ayay xusuusiyeen in uu garab maray dhaqankii ahaa in ra'iisul wasaaraha lagu soo magacaabo 30-casho, waxaana ay beesha caalamka uga mahadceliyeen dedaaladda ay wadaan.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhan

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM