Shuruud lagu xiray in Sacuudiga laga iibiyo drones-ka hubeysan

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Sacuudiga waxay raadineysaa inay ka soo iibsato Turkiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka, sidda Talaadadii uu sheegay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Waa taaabo calaamad u noqon karta isu soo dhawaanshaha dalalkan aadka isaga soo horjeeda.

Xiriirka Ankara iyo Riyadh wuu xumaa tan iyo dilkii suxufiga Jamal Khashoggi loogu geystay qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul sanadkii 2018. Ganacsigii ayaa ku burburay hab aan rasmi ahayn, laakiin labada waddanba waxay sheegeen inay ka shaqeyn doonaan hagaajinta xiriirka.

Balse, isagoo hadlaya kulan uu la yeeshay saxaafada, Erdogan wuxuu sidoo kale ka hadlay sida uu uga xun yahay go’aanka boqortooyada ee ah in la sameeyo isbaheysi wadajir ah kana dhan ahTurkiga iyo dalka ay xafiiltamaan muddada dheer ee Giriigga, isagoo soo jeediyay in heshiis ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku xiran tahay dhaqanka Riyadh mustaqbalka.

“Sacuudi Carabiya waxay wadaa dhoolatus wadajir ah oo ay la sameyneyso Gariiga,” ayuu Erdogan si furan uga dhawaajiyey. "Haddana isla waqtigaas, Sacuudi Carabiya waxay na weydiineysaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka. Rajadeenu waa inaan ku xallino arrintan si deggan oo aan kululayn".

Turkiga ayaa u soo ifbaxay inuu yahay mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn adduunka ee sameeya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taasoo ka caawisay xulufadooda Azerbaijan inay guulo ballaaran ka gaareen dagaal lix toddobaad socday oo ay la galeen Armenia sanadkii hore kuna saabsan gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Droneska ayaa sidoo kale la geeyay dagaalada ka socda Siiriya iyo Liibiya.

Riyaadh oo dalka Yemen kula dirireysa falaagada ay Iran taageerto ee Xuutiyiinta waxay horey heshiis wareejin tiknoolajiyadeed ah ula gashay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Vestel ee laga leeyahay dalka Turkiga taasoo u oggolaaneysa Sacuudiga in ay soo saarto diyaarado droneska u gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM