Shuruudaha kamid noqoshada baarlamaanka Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa soo bandhigay 11 qodob oo ay ku sheegeen in looga mid noqon karo Golaha Wakiilada baarlamaanka Galmudug.

Sidda ku cad qoraalka, shuruudahan ayaa saameynaya dhamaan 89-ka xubnood ee xeer-dejinta maamulka, oo 20-kamid ah ay soo xulaneyso Ahlu Sunna Waljameeca.

Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa Isniintii baahiyey liis ka kooban 20-Xildhibaan oo ku metelaya baarlamaanka Galmudug.

Tiraddan la siiyey ayaa ku timid is-afgarad iyo heshiis la kala saxiixdey oo dhexmaray ururka iyo dowladda Soomaaliya oo ku lug leh dhismaha Galmudug-ta cusub.

Qoraalka lagu shaaciyey magacyadda mudaneyaasha oo xulistooda lagu saleeyay hanaanka awood qeybsiga ee 4.5 waxaa ku saxiixanaa Madaxa Xukuumadda Galmudug.

Doorashadda madaxweynaha iyo baarlamaanka Galmudug ayaa loo muddeeyay in ay dhacdo bisha Janaayo ee sanadka dambe 2020, sidda ku xusan jadwalka coddeynta.

Saaxiibadda Caalamka ayaa ku adkeystay ahmiyada ay leedahay in doorashadda ay noqoto mid hufan oo la aqbali karo lagana talageliyey murashaxiinta mucaaradka.

Sikastaba, inta illaa iyo haatan la og-yahay, waxaa xilka madaxweynaha u taagan una tartamaya in ka badan saddex murashax oo ka kala socda Villa Soomaaliya iyo xisbiyadda mucaaradka.

Hoos ka akhriso shuruudaha

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM