Shuruudaha laga rabo Musharaxiinta KG oo lasoo saarey [Akhri]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Gudiga Doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saarey maanta oo Jimco ah Shuruudaha Musharaxiinta Madaxweynanimo xilli Baydhabo uu ka socdo diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashda.

Shuruudaha waxaa kamid ah in Musharaxa uu yahay Soomaaliya, una dhashay degaanada Koonfur Galbeed, islamarkaana uusan qabin Xaas ajnabi ah, da'diisuna aaney ka yareyn 40 sano.

Waxaa sidoo kale kamid ah shuruudaha ugu waaweyn in Musharax uusan heynin wax xil ah, hadii uu hayan iska-casilo kahor inta uusan soo gudbin arjigiisa musharaxnimo, iyadoo laga doonayo inuu soo gudbiyo warqad caddeynaysa is-casilaadiisa.

Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Xukuumadda Soomaaliya, Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa ugu horeeyay dadka uu qabanayo xeerkan, maadaama la ogyahay in musharixiinta kale aan u badnayn kuwa xilal haya, kuwaasi oo uu ku jiro Mukhtaar Roobow.

Qoraalka Gudiga Doorashada KG ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in Musharaxa ragga ah laga doonayo $20,000 [Labaatan kun oo doollarka Mareykanka], halka musharaxa dumarka ah uu bixinayo $10,000 [Toban Kun oo Dollarka Mareykanka].

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM