Shuruudaha Musharixiinta doorashadda Jubbaland oo la shaaciyey

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa soo bandhigay shuruudaha laga doonayo murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha maamulka doorashadda bisha soo aadan ee August.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saarey ayaa sidoo kale lagu shaaciyay jadwalka diiwaan-gelinta musharixiinta.

Sidda ku xusan bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online, waxaa musharixiinta ragga ah laga doonayaa 30-kun oo dollar-ka Mareykanka, taasi oo ah diiwaan-gelinta.

Si lamid ah musharixiinta dumarka ah ee tartanka qeybta ka ah ayaa waxaa dhinacooda laga rabaa in ay bixiyaan kala bar lacagtaas oo ah 15-kun oo dollar-ka Mareykanka ah.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM