Sidee DF iyo musharaxiinta isugu khilaafeen amni banaanbaxa?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kahor inta aysan daqiiqadihii ugu dambeeyay musharaxiinta dib-u-dhigin mudaaharaadkii u qorsheysanaa Sabtida, dadka reer Muqdisho ayaa u kala qeybsanaa qaar isu diyaarinayey mudaaharaadka, qaar kasoo horjeeday iyo tirro kale oo dhexdhexaad ka ahaa xaaladda.

Jawiga ayaa maanta degan, waxaana si caadi ah kusoo laabtey isu-socodka kadib markii la qaadey ciidamaddii shalay lagu daad-gureeyay jidadka ugu muhiimsan caasimadda. Musharaxiinta waxay sheegeen in askarta lagu carqaladeynaayey banaanbaxa, halka xukuumadda xustey in ay ku sugeyso.

Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa lagu waramay in ay isku-maandhaafeen cidda sugeyso amniga banaanbaxa. Iyaddoo heshiiska ay wada-galeen uu xukuumadda siinayo awood xaqiijinta amniga, haddana waxaa lagu waramay in ay isku fahmi waayeen ilaaladda gaarka ah.

Sidda ay sheegayaan illo wareedyo ku dhow labada dhinac, waxaa miiska saarnaa doodo ay kamid tahay in ciidamo isku-dhaf ah oo ka socda xukuumadda xil-gaarsiinta iyo musharaxiinta ay iska-kaashadaana amniga.

Wararka ayaa intaas ku daraya in sidoo kale ay dhinacyadda isla soo qaadeen in dowladda ay sugto amniga guud isla markaana ilaaladda gaarka ah ee musharaxiinta ay la wareegeen ammaanka goobta banaanbaxa ka dhacayo oo ah barxadda Daljirka Daahsoon iyo waddooyinka kaabiga ku haya.

"Waxaa jirta soojeedin kale oo ka timid dhanka xukuumadda oo ahayd in musharaxiinta ay goobta tagaan ayaga oo sacbooley [aan waddan wax ciidan ah] ayna ciidanka dowladda sugayaan ammaankooda," ayuu yiri hal illo wareed kaasoo tibaaxay in soojeedintan ay ku gacanseyreen musharaxiinta.

Iyaga oo Jimcadii ka hadlayey shirka jaraa'id ee ay ku baajiyeen isu-soo-baxii Sabtida, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo kamid ah Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka dhawaajiyey in banaanbaxa aysan ka tanaasulin isla markaana mudaaharaadka soo aadan ay amniga iyaga sugayaan.

Sii-haayaha wasiirka amniga, Xasan Xundubay Jimcaale oo bogaadiyey go’aanka ay musharaxiinta ku baajiyeen banaanbaxa loo madalsanaa Sabtida maanta ah, ayaa tibaaxay in xukuumadiisa xil-gaarsiinta aysan marnaba aqbali doonin in Muqdisho ka dhaco banaanbax aysan amnigiisa u madax-banaaneyn.

Burburka heshiiskii xukuumadda iyo musharaxiinta ka gaareen qabsoomida banaanbaxa oo ahaa qodobka kaliya ee ay dhinacyadda heshiiska ku ahaayeen ayaa xoojinaya kala aragti-duwanaanta is-mari-waaga labada dhinac isla markaana horseedaya cabsida laga qabo in iska-horimaad uu yimaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM