Xubin AlShabaab oo la qabtey isagoo u socda difaacasha buug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamada ciidamada Soomaaliya ayaa shalay waxay ku dhawaaqdey xukunka Cabdisalaan Cali Faarax, oo la sheegay in uu ahaa ganacsade wakiil uga ahaa Al-Shabaab keenida dalabaadka agabka qaraxyada dibadda.

Dekada Muqdisho ayuu 2018-kii Al-Shabaab uga soo dejiyey saddex dalab oo kala duwan kuwaas kala ahaa; Potassium Nitrate, Ethanol iyo Ethereal oo min hal konteenar ah kuna baxdey aduun lacageed dhan $86-kun oo Doolar.

Sanadkii 2019-kii ayuu horjoogaha Al-Shabaab ee qaraxyada wakiil kaga noqdey dejinta dalabaad wejiyo badan leh sida Gasoline Oil (Hal konteenar), Sulfuric Acid (Hal konteenar), Ethereal (Hal konteenar), Moline Machines (Laba xabo) iyo Potassium Nitrate (saddex konteenar); taasi oo u dhiganta lacag wadarteedu tahay 218-kun oo doolarka Mareykanka.

Xukunsanaha ayaa 2017-kii wuxuu suuqa bakaaraha ee Muqdisho uu ka furtey Halabuur General Training Company, oo ah mehrad lagu iibiyo guud ahaan agabka baabuurta.

Intii u dhaxeysay 2017 illaa 2020, wuxuu safaro isaga kala gooshay Kenya, Itoobiya, Sacuudiga iyo Hindiya.

"Horjoogaha kooxdani [AlShabaab] ayaa isa soo hor-fariistay muddo saddex jeer ah," sida ku xusan nuqul kamid ah macluumaad ay maxkamada la wadaagtay hay’ada NISA.

Waxbarashadiisa heerka koowaad ayuu ku qaatay Jaamacada Soomaaliya ee Muqdisho intii u dhaxeysay 2010 illaa 2014. Sanad kadib, tacliinta Master-ka ayuu ku qaatay University of Kenyatta ee magaala madaxda waddanka Kenya ee Nairobi.

"Isaga oo u socdaalayey difaacashadda buugiisa waxbarashadda heerka labaad ayay ciidamadda ammaanka kala baxeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde sanadkii tagay kadib markii macluumaad dhameystiran u helaan wakiilnimadiisa kooxda Al-Shabaab ee u keenida dalabaadka dhanka dibadda," ayay ku dartay warbixinta kasoo baxdey hay’addaha garsoorka.

Dacwad-oogeyaasha Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in Cabdisalaan uu si weyn ugu diyaarsanaa xiriirka shaqada iyo mudnaan yeelida lacagta.

Al-Shabaab oo xirir la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa la rumeysan yahay in afartii sano ee lasoo dhaafay ay dowlad kale ka dhex sameysteen koonfurta Soomaaliya si gaar ah Muqdisho oo marsada ay si weyn baad uga qaataan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM