Sidee Muqdisho looga xusay sanad-guuradii 1aad ee Qaraxii Zoobe? [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kumanaan shacab ah iyo mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka ah iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad xasuus qaran loo sameeyay dadkii laguu xasuuqay qaraxii 14-kii October ee 2017.

Xuska ayaa lagu qabtey Isgoyska Zoobe, oo ah halkii ay musiibadda ka dhacay hal sano kahor, iyadoo meesha laga taagey taallo lagu qoray 14-ka October oo loogu tala galay in sanad kasta shacabka ku xasuustaan in ka badan 500 oo qof oo qarax lagu dilay.

Qaraxan oo noqday kii ugu khasaaraha badnaa oo ka dhaca qaaradda Africa, liiskana qaraxyada aduunkana ka galay safka hore ayaa waxaa loo adeegsaday gaari xamuul ah, oo lagu soo xiray walxaha qarxa oo ku qarxay Isgoyska Zoobe xilli mashquul ka jiray.

Ra'iisul Wasaare Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo goobta hadal ka jeediyay ayaa shaaciyay in wasaaradda waxbarashada in waxbarasho lacag la’aan ah ay siiso dhammaan caruurtii waalidiintood ay ku dhinteen weerarkaas.

Duqa Muqdisho, Eng Yariisow oo kamid ahaa mas'uuliyiintii goobta tagey ayaa uga mahadcelinayaa shacabka sida quruxda badan ee isagu soo baxay ducada iyo baroordiiqa shacabkii waxyeelada ka soo gaartey Musiibadii Qaran ee 14-ka Oktoober 2017.

Dowladda Federaalka ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay Xasan Aadan Isaaq, oo lagu eedeeyay inuu waday gaari NOAH ah oo ku qarxay Xaafadda Buula-Xuubey, ee degmada Wadajir, wax yar kadib markii uu dhacay qaraxii Isgoyska Zoobe.

Ninkan ayay Maxkamadda ciidamada qalabka sida ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii sida ay sheegtay ku cadaatey inu doonayay inuu weerar labaad oo is-qarxin ah ka fuliyo Muqdisho isla maalintii 14-ka October 2017.

Waa xukunkii ugu horeeyay oo dil toogasho ah, oo ay fuliso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya tan iyo markii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Farmaajo, oo ah muwaadin haysta dhalashada dalka Mareykanka.

Qaraxii Zoobe waxa uu ku reebay maskaxda shacabka mahadho iyo xasuus lama illoobaan ah, maadaama hal malain hal meellagu xasuuqay ku dhawaad 10,000 qof oo shacab ah, iyadoo wali la la'yahay dad badan, halka kuwa kale dhaawacyo saameyn ku raabey noloshooda kasoo gaarey weerarka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safar ugu ambabaxay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaah Hoose xilli Muqdisho ka socoto baroor-diiq qaran, oo shacabla xasuusanayaan dadkoodii ay jeclaayeen ee looga dilay qaraxii Zoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM