Xalka khilaafka "gacan ku sameyska ah" ee doorashada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xilli guddiga doorashooyinka qaranka meesha ka saareen suurtalgalnimada coddeyn waqtigeeda ku dhacda, Soomaaliya ayaa wajaheysa saadaalin la xiriirta in ay soo xusuusan karto taariikhooyinkii hore, taas oo ah talaabo ciida ka hoos marin karta guulaha la gaarey illaa iyo hadda.

Iyaddoo Sabtidii la hadleysay baarlamaanka, gudoomiyaha guddiga, Xaliima Yarey, waxay sheegtay in doorashada ugu soo dhow ay dhici karta Maaj, 2020, hadalkaas oo Beesha Caalamka oo xubnaha ugu muhiimsan ay kala yihiin Mareykanka iyo Midowga Yurub ay soo dhaweeyeen.

Cod-bixin qof iyo cod ah kuna saleysan diiwaan-gelin gacan ah ayay xustay in ay u diyaar-garoobeen Maaj, 2020, balse coddeyn ku saleysan diiwaan-gelin casri ah ayay tibaaxday in ay ku qaban karaan shan bilood kadib. Guddiga wuxuu ku adkeysanayaa qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Soo jeedinta guddiga ayaa dhalisay dood culus. Hogaamiyeyaasha maamulada iyo xisbiyadda mucaaradka ayaa ku sifeeyay "xalaaleynta muddo kororsi". Muddo xileedka baarlamaanka hadda shaqeeya wuxuu dhacayaa November. Xukuumada wuxuu ka dhamaanayaa Febraayo, sanadka 2020.

Kulankii lagu wadday in ay inta u dhaxeysa 5-8 July yeeshaan madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda ayaa madmadow uu ku jiraa in uu dhici karo. Puntland oo gaashaanka ku dhufatay waxay cuskatay in la ansixiyey xeerar sharci darro ah oo wadatashiga looga heshiin lahaa.

Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa sheegay in xal deg-deg ah oo la hela ay Soomaaliya u wanaagsan tahay. Iyagoo xaaladda hadda taagan ku qeexay "gacan ku sameys," Heritage ayaa soo jeedisay laba qaab oo xal u noqon kara in dalka ka baxo qalalaasaha doorashadda.

Iyagoo beesha caalamka ku dhaliilay taageerada soo jeedinta guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka maadaama horey ugu adkeysteen ahmiyadda ay leedahay qabashada doorasho waqtigeeda ku dhacda, labada xal ee machadku soo jeediyay ayaa ah; doorashooyin dadban oo siyaasad ahaan looga Heshiiyey iyo muddo kordhin siyaasadeed ahaan looga heshiiyo.

"Sanadihii la soo dhaafay waxa ay caan ku ahaayeen is-aaminaad darro qoto dheer oo dhex taalay DFS iyo maamuladda, madaxweyne Farmaajo-na wuxuu doortay inuu maamuladda ula dhaqmo si adag oo xagjirnimo siyaasdeed ah. Hab-dhaqankaas wax natiijo fiican ah uma soo kordhin dalka ama madaxweynaha qudhiisa," ayay ku sheegeen warbixintooda.

Villa Soomaaliya oo cadaadiska uu kusii kordhinayo ayaa lagu eedeeyay in ay isku koobeysa talada iyo go'aanada masiiriga ah ee dalka isla markaana ay saamileyda ku sameyneyso awood sheegasho siyaasadeed.

Sikastaba ha ahaatee, maadaama uu qarka uu saaran yahay in uu baaqdo kulankii dhexmari lahaa dowladda federaalka iyo maamuladda kaasoo heshiis looga gaari lahaa xaalada cakiran ee dalka, lama saadaalin karo qaabka uu wadanka uga bixi doono mar-xalada kala guurka ee waqti xaadirkaan uu dhexda kaga jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM